Wararka ka imaanaya Degmada Qansax-dheere ee Gobalka bay ayaa waxaa ay sheegayaan in gelankii danbe ee shaley qarax xoogaan oo qasaaro geystay uu ka dhacay qeybo ka mid ah Degmadaasi kaasi oo qasaaro soo gaarsiiyey dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaliya.
Qaraxa oo ahaa miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog fog laga hago ayaa waxaa uu ka dhacay maqaaxi ku taala Bartamaha Degmada Qansax-dheere ee Gobalka Bay,waxaana qaraxa uu saameyn ku yeeshey dadka deegaanka.
Inta la xaqiijiyey 4-ruux ayaa ku dhimatey tiro ka badana waa ay ku dhaawacmeen waxaana la sheegayaan in 4-ruux ee geeriyootey uu ku jiro Askari ka tirsan ciidamada Dowlada Soomaaliya halka inta kale ay yihiin kuwo Maqaaxida Shaah ka cabayay.
Dhaawacyada ayaa markiiba loola cararay xarumaha caafimaadka ee ku yaala Degmada Qansax-dheere ee Gobalka Bay,waxaana qaraxa kadib Magaalada howlgalo ka sameeyay ciidamada Dowlada Soomaaliya oo la sheegay iney ka gacanta kusoo dhigeen ilaa iyo dhowr ruux sida ay sheegeen saraakiisha ciidamada Dowlada Soomaaliya.
Xaalada Degmada Qansax-dheere ayaa saaka waxaa ay tahay mid degan oo aan ka jirin wax dhibaato ah,laakin ma jiro wax war ah oo kasoo baxan dhanka shabaab oo ku aadan qaraxa ka dhacay Degmadaasi.
Email: info@wadaninews.net