Qm:- oo loogu digey iney shaqaalo kale ay geyso Soomaaliya;-21/06/2013

Midowga shaqaalaha QM ayaa ugu baaqay xoghayaha guud ee QM Ban Ki Mun in uu dib u dhigo talaaboyinka ay QM ku dooneyso in ay ku soo kordhiso shaqaale dheerad ah oo ka socda QM oo lagu soo biiranyo kuwa hada kaga sugan Somalia horaanta bisha soo socota.

Shaqaalaha QM ayaa muujiyay in talaabada xoghayaha guud ee QM ee lagu soo kordhinaayo shaqalaha Hay,adasi ka socda ee ku sugan Somalia ay sii kordhin karto kaliya sii badashada weerarada ay Xarakadda Al-shabab ay ku soo qadayso xarumaha taabacsan QM.
 
War saxafaded uu soo saray midowga shaqaalaha QM ayaa waxa uu si kulul ugu canbaareeyay falkii shalay lagu weeraray xarunta UNDP.
 
Shaqqalaha QM ayaa shaca ka qaaday in shaqaalaha kale ee calamiga ah ay dareemayaan cabsi weyn kadib wixi ka danbeeyay weerarkii lagu qaaday UNDP oo ay masuuliyadeda ay sheegteen Al-shababka hubeysan ee Somalia ka dagaalamaya.
 
 
Waxa ay sidoo kale ay shegen in loo bahan yahay in marka hore la damaanad qaado nolosha shaqaalahsi oo dib u eegid lagu sameenayo marka ay xaaldu tagan tahay qaraxyo wadan hada kasoo kabanaya dhanka colaadaha.
 
 
Ugu danbeentii shaqalaha QM ayaa si cad u sheegay in qaraxyadii shalay uu soo xusuusinaayo Qatar ay shaqaalaha QM ay la kulmayaan marka ay shaqooyinkoodi ku gudanayaan wadamada calamka.