Ra’iisulwasaaraha xukuumadda soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa si xoogan u cambaareeyay weerarkii micnadaradda ahaa ee maanta lagu qaaday xarunta UNka ay ku leeyihii magaalada Muqdisho,kaasi oo ay sheegteen maleeshiyaadka Shabaab.
“waan cambareynayaan weerarkasi micnadaradda ahaa ee saaka lagu qaaday shaqaalaha qaramada midoobay ee aan waxbo galabsan,qaramada midoobay waa saaxiibadeen,waxayna hay,addaha qaramada midoobay na siiyaan caawinaad bini’aadanimo iyo taageero,sidaa darted aniga iyo dhamaan soomaalida waan ka xunnahay in weerar nuucaan oo kale ah lagu bartilmaameedsado,” ayuu yiri ra’iisulwasaaraha.
Ra;iisulwasaaraha ayaa u xaqiijiyay shacabka ku dhaqan magaalada muqdisho iyo caalamkaba in dowlada ay gacanta ku haayso amaanka,isago sheegay in ciidamada amaanka ay si deg deg ah wax uga qabteen kooxihii weerarka soo qaaday,gacantooda ay ku soo celiyeen amaanka xarunta UNka.
“ciidamada amaanka soomaaliya iyo kuwa AMISOM ayaa si deg deg ah uga jawaabay xaalada ka dib markii uu dhacay qarax waxayna xaalada ku soo celiyeen si caadi ah ,” ayuu sii raaciyay ra;iisulwasaare saacid
Ra,iisulwasaaraha ayaa uga tacsiyeey dhamaan saaxiibada hay,addaha qaramada midoobay dhibaatadii maanta ka soo gaartay weerarkaasi fulaynimada ah.
Ra;iisulwasaaraha ayaa sheegay in maleeshiyaadka shabaab aysan carqaladeyn doonin dadaalka nabadeed ee socda,isagoo sheegay in aysan horistaagi karin soo kabashada soomaaliya,qalalaasahana aysan guuleeysan doonin.