Reer Manchester Iyo Bristol Oo Balan Qaadey Dhaqaalo Aad Ubadan oo Lagu Dhisayo Dowlad Goboleedka K.Galbeed 2 Monday September 23

Si Aan Hagar Laheyn Ayaa Jaaliydaha Reer Koonfur Galbeed ee Manchester & Bristol Usoo Dhoweeyey Go'aanadii Baydhabo ee ahaa In Dhaqsi Dowlad goboleed Loogu Dhiso Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Xafladaan oo aheyd mid siw ada jir ah usoo qaban qaabiyeen Madaxda Jaaliyadahaasi oo ay ka dhex muuqdaan dad hogaamiyaal sumcad wanaagsan ku leh Bulshada Soomaaliyeed dhexdooda ayaa waxaa lagu taageerey Go'aanadii Shirkii Baydhabo sidoo kalena waxaa loo saarey Gudi  Arinta dhaqaalaha oo mamaulkaasi lagu taageeri lahaa.
 
Reer Manchester oo Ragooda iyo Gabdhahooda ku caan baxay taageeriga iyo fan gareynta deegaanadii Arlaadii xiliyadii marxaladaha adag lagu jirey ayaa hada waxay hormuud unoqon doonaan Qurba joogta Afka MAAY/ga ku hadasha oo weli aan laga heynin Taageero lataaban karo walow ay jiraan dad badan oo wanaag jecel ah oo u diyaar ah taageeriga Shirka Baydhabo.