Weerarkan xaley ka dhacay Magaalada baydhabo ayaa waxaa uu ahaa mid ay soo qaadeen dagaalyahano ka tirsan Xarakada Shabaab ee Soomaaliya,iyadoona ciidamada Dowlada Soomaaliya ee Magaalada ku sugan markiiba ay sameeyeen iska caabin xoogan.
Ciidanka Shabaab ayaa la sheegay iney magaalada ka soo weerareen dhanka Suuqa-xoolaha ee Magaalada baydhabo,laakin iska hor'imaadka ma ahan mid sidaa u buuran,waxaana goobta rasaasta xaley ka dhacaysay ee Magaalada Baydhabo markiiba gaarey ciidamo ka tirsan Dowlada Soomaaliya kuwii shabaabna ay laabteen.
Wax ka yer 10-daqiiqo ayaa rasaasta laga maqlayay qeybo ka mid ah Magaalada Baydhabo ee Koonfurta Soomaaliya,waxaana dhanka kale iska hor'imaadkii xaley ka hadley mamulka Gobalka Bay ee Dowlada Soomaaliya.
Qasaaraha ka dhashey ayaa si dhab ah aan loo ogeyn,Ku simaha Gudoomiyaha Gobalka Bay Cumaan Macalin oo la hadley Idaacada Warsan ee Magaalada baydhabo ayaa waxaa uu sheegay in kooxo fuleyaal ah ay magaalada soo weerareen islamarkaana markiiba ay ceyradeen sida uu hadalka u dhigey.
Deegaanada Gobalada Bay iyo Bakool ayaa waxaa mararka qaar ka dhaca weeraro ay soo qaadaan Kooxda Shabaab ee Soomaaliya.
Email: info@wadaninews.net