Gudoomiyihii hore ee barlamaankii KMG ah ayaa dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho ee caasimada dalka, kadib markii mudo uu ka maqnaa.
Garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ayaa waxaa kusoo dhaweeyay siyaasiyiin iyo odayal ay isku deegaan yihiin iyadoo uu haatan Hotel gaar ah Muqdisho ka degan yahay.
Warar isa soo taraya ayaa sheegaya in in Shariif Xaan uu kulamo la leeyahay xildhibaanada, odayaasha iyo dadka kale ee kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.
Waxaana uu kala hadlayaa sidii loo dhisi lahaa maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya oo haatan dhisitaankiisa shirar looga hadlayo Baydhabo ay ka socdaan.sharif-xasan
Sidoo kale waxaa jira warar tilmaamaya in Shariif Xasan uu kulamo la leeyahay Masuuliyiin katirsan DF Soomaaliya, waxaana la doonayaa in lagu qanciyo sidii loo joojin lahaa siyaasada beelaha Bay iyo Bakool ay DF kaga soo horjeedaan.
Si kastaba Dad badan ayaa rumaysan in Shariif Xasan oo hada Muqdisho kusugan uu lug weyn ku leeyahay banaanbaxyadii Baydhabo, uuna damacsan yahay maamulka lixda gobol ee Koofur Galbeed Soomaaliya.
La soco Wararkii soo kordha Insha Allah