Sheekh Maxamed Sheekh Cumar Dirir oo kamid ah culimadda Soomaaliyeed kuwooda ugu waaweyn ee ku nool Magaalada Hargaysa ee maamulka Soomaaliland ayaa ka hadlay tahriibka iyo dhibaatada uu leeyahay.
Sheekh Dirir ayaa sheegay in qofka dhalinyarada hadii uu utahriibo dalkale oo shisheeye ah,macnaheeda uu yahay cisigii uu ku lahaa dalkiisa hooyo inuusan lahaaneynin. Wuxuu sheegay in isku dhiibida dal kale ay la macno tahay “Waan isku talin waaye ii tali”Isaga oo sidoo kale sheegay inay taasi la macno tahay in qofkaasi aayihiisa iyo aduunyadiisa dhibaato ay ku keenayso. Isaga oo kasii hadlaya Sheekha dhibaatada Soomaalida ku haysata qurbaha ayaa wuxuu ku sheegay in dhibaatooyinka Soomaalida haysata ay kamid tahay,shaqo la’aan iyo nolol xumo. Wuxuu tilmaamay in arimahaasi oo isbiirsaday xitaa ay saameyn ku yeeshaan jiritaanka nolosha qoyskaasi oo uu bur-buro qoyska. Dhalinyarada Soomaalida ayaa wanaag iyo sharaf u arka utahriibada dalalka caalamka,oo inta badan aysan kala kulmin waxyaabo wanaagsan. Hadalkaan ayaa wuxuu ka jeediyay Sheikh Dirir kulan uu Magalaada Hargaysa kula qaatay Ardayda Jaamacada Adna ee Magaalada Hargaysa. |
info@wadaninews.net |