Maamulka Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in markii u horeysay ay u diiday in garoonka diyaaradaha ee Egal Airport ay soo caga dhigato diyaarad ogolaansho ka heysatay dowladda Soomaaliya, iyadoo arrintan ay sii xoojineyso khilaafka ka taagan maamulka hawada Soomaaliya oo dhowaan Qaramada Midoobey ku wareejisay dowladda Soomaaliya.
Wasaarada Duulista Hawada ee Somaliland aya war saxaafadeed ka soo baxay xafiiskeeda ku sheegtay in maanta hawadeeda ka eriday diyaaradii u horeysay oo ogolaansho ka heysatay dowladda Soomaaliya oo dooneysay inay soo caga dhigato madaarka Hargeysa.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in diyaaradan ay nooceeda aheyd SS34, isla markaana saakay aroorti isku dayday inay ka soo degto markii, balse markii Towerka laga ogaaday inay hawada Somaliland soo gashay diyaarad ogolaansho ka heysatay dowladda Soomaaliya lagu amray inay ka baxdo hawadeeda.
Somaliland ayaa sheegtay in diyaaradan aanay wax fasax ah ka heysan, isla markaana ay amartay in hawadeeda ka baxdo, ayna dib u celisay.
"Somaliland waxay leedahay xuduudo hawo iyo kuwo dhuleed oo u gaar ah kuna qotonta qaranimada iyo madax bannaanida Somaliland, sidaa darteedna aanay Somaliland cidnaba aanay ka aqbalayn in ay hawadeeda ku soo xadgudbaan diyaarado aan fasax ka haysan dowladda Somaliland"ayaa lagu yiri war saxaafadeedka ka soo baxay Wasaarada Duulista Hawada ee Somaliland.
Diyaaradihii Hey'adaha Qaramada Midoobey ee tagi jiray Somaliland ayaa laga mamnuucay, kadib markii Somaliland ka carootay go'aankii Qaramada Midoobey ugu wareejiyay dowladda Soomaaliya Koontaroolja hawada sare.
Waa markii u horeysay ee Somaliland ay dib u celiso diyaarad fasax ka heysatay dowladda Soomaaliya, tan iyo markii dhowaan la isku khilaafay maamulka hawada Soomaaliya oo Qaramada Midoobey ku wareejisay dowladda Soomaaliyed