Wararka ka imaanaya Dalka Liibiya ayaa Sheegaya in Soomaalida ku nool Dalkaasi u tagay iney ka tahriibaan dalkaasi ayaa waxaa la soo gudboonaaday dhibaatooyin fara badan oo ugu badan xarig.
Safiirka Soomaaliya u Fadhiyo Dalka Liibiya Cabdiqani Maxamed waceys ayaa Sheegay in Soomaalidaa ay Soo wajaday Dhibkii ugu xooga badnaa oo ay ku hayaan Maleeshiyo Liibiyaan ah.
Safiirka wuxuu sheegay in Soomaalida la arkay iney hadii la xiro ay bixinayaan lacago badan taasina ay keentay in qofkii arkaa uu iska xirto.
Safiirka wuxuu sheegay Amaanka dalka liibiya uu aad u xunyahay Dadka Soomaaliyeedna ay saameyn kuyeelatay Amni darada Dalkaasi
Cabdi qani ayaa ugu baaqay dhalinyarada Soomaaliyeed in dalkooda ay iska joogaan oo ay joojiyaan tahriibka oo uu sheegay in dhibaatooyin fara badan lagala kulmo tahriibka.
Email: info@wadaninews.net
Halkaan ka dhageyso Hadalka Safiirka Liibiya u Fadhiya Soomaaliya
Dhalinyarada Soomaaliyeed ayaa waxaa ay ku dhibaaateeysan yihiin dalal badan oo ay u raadsadeen nolol dhaanta tan dalkooda ay ku heysteen.