Dadka u dhashey DigilMirifle nooc walba ha ahaadeene ma uusan garan jirin deriskooda waxa uu soomaali ka yahay halka kuwa.
Mahaatiri ay u kala garanayaan wax walba oo khuseeya Qabaa’iladooda.
dadka la soo dejiyey oo loo soo dejiyey qaxooti ay ahaayeen darteed, xaqiiqduna ay taas ka fogayd waxaa loo suuro gelinaayey fursado ay ku jaho wareerin karaan kuwa dhulkooda loogu yimid, waxay bilaabeen isku qabiil baan nahay, asalkeenu waxaan galnaa Daarood, ama HAWIYE, ama Isaaq.
Fursada ugu fiican ee ay heleen ayaa ah, iyagoo si fiican ugu dhex milmeen ayna gaareen heer la kala garan waayo, taas oo u sabab aheyd:
{1} Dhaqankii oo ay si fiican u barteen.
{2} Luqadii ay ka gaareen heer ay ku gabyaan.
{3} Qaaraankii oo laga ogolaadey.
Ayagoo dadaalkoodii dhalan rogidda ahaa wata, ayaa ay billaabeen fara gelin luqadeed si ay u helaan kuwo ayaga la safan, fara gelintoodana ay aheyd in ay luqadda Mahaatiriga ay dadka ku beeraan, waxayna bilaabeen olole ay luqadooda ku fidinayaan, ayna isu rogeen in ay dadka ku khasbiyaan barashadeeda sakhiir iyo kabiirba.
Waxaa kaloo la hir geliyey in tuulooyinka iyo magaalooyinkuba iyo waliba baadiyaha laga bilaabo olole la magac baxay ‘Ololihii afka soomaaliga’, iyo hor u marinta reer miyiga, heer waxaa la gaarey qofkii u dhashey qowmiyadda DigilMirifle la yiraahdo war af-la yaqaan ku hadal, af-soomaali, kii Maayga oo ay u barteen ku nolol hela wuxuu isu bedeley mid aan soomaali ku hadlin, kii ku hadlana aan soomaali aheyn, aana la ogeyn meeshuu ka yimid. Laakiin waxaa cadaan ah hadey dani ka soo gasho wuxuu noqonayaa mid soomaaliyeed oo ayna wada yaqaaniin, marka waa la jiifiyaaba banaan.
Waxaa kaloo la keeney wax la yiraahdo Geeki Mariidi, Daarood baad aheyd, Hawiye baad aheyd, isku reer baynu nahay, ama waxaad ku abtirsatiin Daarood ama Hawiye, sideenan oo kale IWM.
Waxaa kaloo la hir geliyeyin canug walboo gabar Daarood ama Hawiye dhashey in ay si toos ah u tirsan jireen sida in lagu abtirsanaayo oo kale Hooyada, ayna oran jireen waa reer hebel, xitaa haweenkooda ay wax wayn ay ka qaban jireen hawl galkaas, halka ay DigilMirifluhuna ay yiraahdaan naag kula tol ma aha oo ay ula jeedaan ninkii guursada ayuunbay badisaa, kuwa aan soo sheegney ee Mahaatirina waa cakiskooda, weynan u suurto galeynin mooyee canugii bay magac ka bedeli lahaayeen.
Sidoo kale hadey haweeney DigilMirifle ah ay dhasho nin mahaa tiri warkiisaba daa’.
Aan idin su’aale ma haweeney baa lagu abtirsadaa?.
Waxaa kale oo qorshahoodu ahaa qofkii u dhashey DigilMirifle oo lacag leh ama cilmi leh la yiraahdo waa reer hebel, walow ay jireen kuwo la leexsadey oo jegooyin loogu dhiibtey in uu yirahdo reer hebel baan ahay, waxaana noo cadeyn ah wax qabadkoodii ku aadanaa DigilMirifle.
Qof ay wax u qabteen miyuu jiraa , aan ka aheyn Abdisalaam Sh. Huseen, haba soo diree reerkiis oo keliya, taasna xumaan ma ahee wuxuu kartidiisa tusaayey kuwa kale ee u nacam layn jirey Mahaatiri.
Sidoo kale ardadii uu soo direy hadda waxey diyaar u yihiin in ay dadkooda iyo dalkooda wax u qabtaan, marka Abdisalaam wuxuu ahaa nin muwaadhin ah oo halgankiisii hor u marineed hada la arkey.
Waxa kaloo jira kuwo ayagaba sheegtey oo yiraahda anigu reer hebel baan galaa, kuwaasna waa kuwii marka horeba la soo dejiyey oo sheegtey in ay DigilMirifle yihiin, kuwana waa kuwa la yiraahdo “Geeki Mariidi” ayagoo ula jeedadooda ay aheyd in ay dad DigilMirifle sax ah ay lunsadaan, ayagaana lumey oo hadda meel ay raacaan la’, marka horena waxaa reerkooda ay la inkireen ay aheyd nolol ku hela.
Inta badan soomaalidu waxaa isaga dhex milmay Qowmiyadda DigilMirifle ma mid taagan baa mise waa wax isu tagey?.