Taariikhdii Digil & Mirifle Qeybtii 2aad

{1} Maxay tahay Qowmiyadda DigilMirifle?

{2} Siyaasadeeda hore iyo tan hadda maxay ku saleysan tahay

{3} Iyo dhibaatooyinkii lagu hayey fikradooda iyo aaminsanaantooda.

 

 

 Waa qomiyad jecel in la wada noolaado, kana sooc-na neceb, ayna jecl yihiin Goboleysi iyo qof walba in uu xaqiisa helo.

 

Faah-faahin aad arimahan kaga bogataan waxaan idinku siin doonaa qoraalka intiisa kale.

 

Siyaasada ay hadda ku dhaqmaan waxay daba joogtaa tii hore oo ay aheyd {FEDERAL}, GOBOLEYSI.

 

Mana  aha dad u sameysan in ay u hanqal taagaan wax ayan laheyn  sida hanti guurto iyo ma-guurtoba, hadey u sameysnaan lahaayeen waxaa la arki lahaa ayagoo dad dul fadhiya sida qabiilada qaarkood, waxaa tusaale u ah ogna qofka hada jooga waxa lagula dhaqmohoyo,isla markaana lagu sameynohoyo guryahooda.

 

Waxaa kaloo kuu daliil ah ayagoo dhulkooda la haysto ku raadinaaya nabad.

oo waliba beerahoodii loo bedelay kuwo laga soo saaro ama laga soo goosto Daroogada.

 

Ayagoo taa og ayaa dhulkooda waxay ku raadinayaan wada hadal, ayadoo ay jirto wixii xoog lagaaga qabsadaa xoog uunbaa lagu raadiyaa.

 

Su’aasha meesha taal ayaa ah  hadey yihiin dad isu tagey sida ay buugaagtooda iyo maskaxdoodaba ku haystaan, maxaa qowmiyadan u yeelay hal af,sida ay aaminsan yihiinna ay tahay in ay ka kala yimaadeen Daarood,Hawiye,Iyo Isaaq, sedexdan mid ka mid ah oo Af-Maay ku hadlo maku jiraa,hadey jawaabtu Haa tahay waa sax, hadiise jawaabtu tahay Maya,waxaa lagaa rabaa meeshaad ka keenteen caqli xumidan aad ku qaadateen wax aydan baarin, oo waliba aad ku murantaan tiina khaldan.

 

Si kale hadaan u sharaxno sida la wada ogsoon yahay qowmiyad isu tagtey waxaa lagu gartaa ayagoo ku hadla luqado kala duwan, midna midka kale intuu ka fahmaa ay yar tahaay, ayagoo is af barta midba midka kale mooyee, sida kale ay isku fahmi karaan ay tahay in ay sameystaan hal luqad, ha noqoto mid gumeysi sida Ingriis, dadkaas ayaa la oran karaa  waa qowmiyado isu tagey.

 

Waxaa kaloo inoo tusaale noqon kara Afrika inteeda badan oo aan haysan hal luqad oo ka dhaxeyso, aan ka aheyn tii gumeysigii ooga tagey, hadana u ah mida sharciga u ah.

 

Taasna waxay inoo cadeyneysaa in afka Maayga aan keenin gumeysi uunanoran luqadan isku af garta.

 

Su’aalahan jawaabahooda waxey u taalaa cid ala cidii wax garad ah ee daneyneysa in ay wax ka ogaato khuraafaadkii ka jirey ama ay qoreen kuwii wax qori jirey ee aanan ka fekerin waxyaalaha ay ummada ka dhaa’dhicinayeen.

 

Waxaa kaloo marar badan iyo hadaba la isku dayaa sidii loo kala qaybin lahaa iyo waliba af-kooda looga tir-tiri lahaa si looga waayo laba isu timaada oo ku wada sheekeysta luqadan.

 

Kala qaybintooda habkii la isugu dayey ayaan wax yar ka taabaneynaa, taasoo aheyd.

 

{A} In marka hore lagu dhex beero dad ka dhaqan iyo caado duwan.

 

{B} In la sameeyo wax yaabo marin habaabiya caruurtooda, sida ayagoo laga qaldo abtirsiimadooda, si loo khal-khal gelsho asalkooda, loogana dhigo kuwa ku abtirsada “Daarood, Hawiye, iyo Isaaq”.

 

Waxaa la bilaabey in lagu soo daad gureeyo dad laga keeney Gobollada dhexe,   w-bari, Waqooyi Galbeed, iyo waliba Galbeed.

 

Waxaana la diyaariyey qorshe ah qolo walba oo la keeno in la dhex dejiyo dadkii hore u degenaa, oona lagu soo heshiiyey ayna isku soo akhriyeen.

 

{1} In la sheegto qabaa’iladooda, midba midka lala dejiyey.

 

{2} In lagu darsado ama lala baxsado  qaaraankooda.

 

{3} In la barto luqadooda si lola qaybsado deegaanadooda amaba loo muran   gelsho.

 

Barashada luqada ay baranayaan waxaa looga gol lahaa in ay ku dhex milmaan si aan loogu kala soocin si fudud.

 

Hir gelinteeda ayaa waxey qaadatey mudo dheer ayagoo ay la dagaalami jireen jiilba jiilka cusub ee soo baxa.

 

Waxaa u suuro gashay in ay bilaabaan hadalo shaki gelin kara dhalinyaradii cusbayd markii   ay odeyaashii badankood ay wada dhinteen, lana bilaabey ugaarsi la ugaarsado wax garadkii ay ka baqi jireen.

 

Dadka u dhashey DigilMirifle ma aynan ahaan jirin dad tix geliya qabiilka, odeyaashii horena ma aynan aheyn kuwo bara caruurtooda abtirsiimadooda, aan ka aheyn Reewing,ka dibna qabiilka ay ka yihiin, intaas wax dhaafsisan canugii loo sheega waxaa loogu dari jirey jilibka uu yahay, waxaa kaloo cad in aan loo dhaafin jirin laba awoowe taasna ay fursad siisey dadkii la dagaalamaayey jiritaanka qowmiyaddan.

 

Qof walboo DigilMirifle ah ma uusan aqoonin adeer sedexaadkiisa sababtuna aheyd mid aan loo carbin, sida kuwa Mahaatiri ugu barbaariyaan caruurtooda qabiil iyo xigto soke iyo mid koreba.

 

Dadka u dhashey DigilMirifle nooc walba ha ahaadeene ma uusan garan jirin deriskooda waxa uu soomaali ka yahay halka kuwa.

 

 Mahaatiri ay u kala garanayaan wax walba oo khuseeya Qabaa’iladooda.

dadka la soo dejiyey oo loo soo dejiyey qaxooti ay ahaayeen darteed, xaqiiqduna ay taas ka fogayd waxaa loo suuro gelinaayey fursado ay ku jaho wareerin karaan kuwa dhulkooda loogu yimid, waxay bilaabeen isku qabiil baan nahay, asalkeenu waxaan galnaa Daarood, ama HAWIYE, ama Isaaq.