Taariikhdii Digil Mirifle Qeybtii 4aad

Inta badan soomaalidu waxaa isaga dhex milmay Qowmiyadda DigilMiriflema mid taagan baa mise waa wax isu tagey?.

Jawaabtu waa qawmiyad taagan kana fac wayn Daarood iyo Hawiye iyo waliba Geeki Mariidi.

Koox kale ayaa jirta oo magaca Reewing u fasirtey Raxan-wayn oo ula jeedaan raxan isu tagtey, su’aasha meesha taal ayaa ah raxan ma waxaa loo isticmaalaa dad mise dugaag?.

Qoladaasi gefkooda ilaa iyo intee ayuu gaarsiisan yahay. Kuwo kalena waxay yiraahdaan {Raaxo-Wayn}.

Qoladan hadalkooda wuxuu u leexday dhul,ee dad ma la orankaro {Raaxo-Wayn}, ayaguse waxay u  wataan dadka u dhashey DigilMirifle.

Sideedaba waxaa haboon qolooyin hadey rabaan in ay qolo kale qaybiyaan, ama bedelaan  marka hore waa in ay isku mowqif noqdaan hadey noqon waayaan waxay la kulmaan khasaare wayn, sida gumeysigii yimid Afrika oo mowqifkiisu ahaa qaybi oo xukun dantiisana waa uu ka gaarey, Mahaatirise waa ay ku khasaartey dadaalkoodii ay ku hanan lahaayeen  dhulka qowmiyadda DigilMirifle.

 

Hadaan dib ugu laabano qodobkii labaad ee ahaa shaki gelinta caruurta u dhalatey  DigilMirifle, waxaa la bilaabey dar-dar cusub , in la yiraahdo qabiil waa la duugay oo macnaheedu aheyd in aan la helin qof DigilMirifle ah yiraahda waxaan ahay nin u dhashey DigilMirifle, runtiina qabiilku wuxuu ka xirnaa oo keliya dadka  DigilMirifle oo keliya, laakiin soomaalida inteeda kale kama uusan xirneyn oo waligoodba waa ay ku dhaqmi jireen, waxaana kaaga filan xukuumadihii soomaaliya soo mareen oo dhan, ayna ku saleysnaayeen qabiil, tii Maxamed Siyaad Barrena la isu sheegi maayo, iyo wixii ka danbeeyey ama ka dhasheen dagaaladii sokeeye, ama waxa keeneyba dagaalkii sokeeye.

Umadda  DigilMirifle taariikh ahaan waxayku nool yihiin inta u dhaxeysa  labada wabi ee la kala yiraahdo Jubba iyo Shabeele, sida la wada ogsoon yahayna waa dhulka ugu khayraadka badan guud ahaan dalka soomaliyeed, khayraadka dhulka  DigilMirifle leeyahay waa mid u dhan wax walba oo nolasha bani’aadamka u baahan, ha noqoto dhul beereed, ama daaqsin xooleed, ha noqoto saxo lagu noolaan karo, waana  dhul aad u siman lahna bacrimin wanaagsan.

Dhulka DigilMirifle wuxuu fidsan yahay dhanka galbeed ilaa iyo  Itoobiya, dhanka koofurna ilaa Kenya, waana dhul aan muran ku jirin in ay baaxadiisu wayn tahay.

Qarnigii  18-aad dhamaadkiisii ayaa waxaa wadanka soo galey gumeysigii oo uu ka mid ahaa  Telyaani, wuxuuna qabsadey koofurta soomaaliya, uuna ku yeeshay xulufo asaga u nacamleysa, wuxuuna kala yimid meelihii uu ku soo hor marey,asagoo u kaashanaayey meelihii u harsanaa ee aheyd dhulka DigilMirifle, sida Baydhabo oo uu yimid {8 sanno}  ka dib imaatankiisii.

Imaatinka gumaysiga dhulka DigilMirifle laguma soo dhaweynin ubaxyo  iyo caleemo qoyan, ee waxa uu arkey iska caabin daran, in kastoo ay markii danbe u suurto gashey in uu dhulka DigilMirifle oo dhan uu qabsado, asagoo uu la kaashadey qabshadiisa kabo qaadayaashiisa ayna u ahaayeen gaashaan uu isaga dhigo falaaraha iyo waramaha.

Hadaba laga soo bilaabo waagii uu gumaystaha yimid dhulka DigilMirifle ay la kulmeen dhibaatooyin aad iyo aad u adag, isla markaana aad iyo aad u fool xumaa, ilaa ay isku bedeleen dhowr gumaysi ka dib kii telyaaniga, taas oo ay sababtey in dhiigoodii ay baneystaan qolooyinkii danbe, taas oo aan ula jeedo Gumaysigii madoobaa.

Sida ay ku andacoonayaan qaar ka mid ah kuwa sida khaladka ah wax u qora oo ay leeyihiin  ayagoo isticmaalaya magaca qowmiyadda DigilMirifle aragtiyo kala duwan, ayaa waxay buugaagtooda ku qoraan ayagoo ilowsan waxa ay hore u qoreen oo ay qowmiyadda DigilMirifle ay ku sheegeen in ay yihiin dad isu tagey, balse hadana ay ku qeexeen in  ay yihiin qowmiyad leh luqad u gooni ah, waxaa is weydiin leh sidey u dhici kartaa dad isu tagey sidey u yeelan karaan luqad u khaas ah oo aan aheyn tii gumaysiga uga tagey.

Waxaa akhristayaasha looga baahan yahay in ay daraasad dheer ay ku sameeyaan labadan arimood ee kala fog oo ah dad isu tagey iyo ayagoo lah hal luqad, oo ka duwan luqadaha looga hadlo meelaha ay ka kala yimaadeen, mar hadii lagu sheegay in ay ka kala yimaadeen  Daarood iyo Hawiye ayna ku hadlaan luqad ka duwan tan ay ku hadlaan, hadeyna aheyn qowmiyad taagan luqadna ma ay yeesheen.

Hadaba qofka wax daraaseynaya ama wax qoraya waxaa looga baahan yahay caqli fayow oo uu wax ku kala garan karo iyo taariikh sax ah oo ka run sheegta qoraalada uu qoraayo, waxaa si gooni ah loola hadlayaa kuwa raba in ay wax ka qoraan wax aysan ehel u aheyn oon  ula jeedo wax aysan aqoonin, tusaale kan aan u dhalan DigilMirifle hadana raba in   uu afka la galo wax uusan aqoonin ayaan leenahay marka hore baro dadka aad wax ka qoresid  ha noqon kan dadka u sheega aragtidiisa, wuxu ma aha khiyaali ee waa taariikh.

Hadaba anigoo isticmaalaya caqliga ALLAAH uu bani’aadamka siiyey iyo taariikhda     saxda ah ee qoran, ha qoraan gumaystihii ama dadkii hore, taana ay u sii dheer tahay kulamo aan la yeeshay odayaal waayo arag ah, waxaana rabaa oo aan halkan ka cadeynayaa in ay odayaasha iyo qorayaashan fikradooda wax ku cabira ay aad ugu kala fog yihiin xaqiiqda, waxaana xaqiiqda sheega qofkii goob joog u ahaa waxa dhaca, kan kalese wuxuu ku socdaa waxay ila tahay, taana ma aha mid ummad lala hor tagi karo, ama la oran karo waa taariikh sax ah, akhristow ogow in uu qof walba oo wax qora in uu qoro oo keliya garaadkiisa haduusan haynin caymo sax ah, ama odeyaashii uu wareystey magacyadoodii, waxaa kaloo jirta in ay qorayaasha badankooda ay wax u qoraan reerihiina ha noqdaan kuwo la sheeg-sheego.

Waxa ay wax ka qoreen qowmiyad ayagoo ka been sheegaya Nasabkooda, haybadooda, iyo deegaankooda, ayagoo qoraaladooduna ay noqdeen kuwo is bur-buriya ileyn beentu waa mid aan meel dheer gaareynine, walow ay maalmo ku soconayaan, marka la qabtona ay liicayso,