Tiirka Ummadda Somaliyeed iyo dowladnimadooduba waa Digil iyo Mirifle Ruuxii Riyo Moodow Runtu Wey Soo Bidhami! 1 Tuesday September 03, 2013

Inta uu jiro cimrigeyga una soo dhug yeeshay siyaasadda isdiidan ee ummadda Somaliyeed ka dhaxeysa ma aanan arag Raxanweyn oo laqdabeyneysa jiritaanka ummaddani malaayiiinta ah, taa caksigeeda ummadaha kale ee nala sheegta Somalinimadu ceebna uma arag kala jerjeridda jiritaankeena bal wexeyba ka dhigteen caado ragooda iyo haweenkoodubaa astaan gaar ah u noqotay.

 
Laga soo bilaabo taariiqda dhow ee dadkii usoo joogay wali qaar iyaga kamida ay nool yihiin waxaa la tilmaamaa in Soomali weyn midnimo buuxda ay gaarsiisaneyd iyadoo aysan maqneyn walaalaheen Jabbuuti.
 
Horumarka dhibna lagu sheeg, dheefna lagu sheeg, labaduba saameyn ayay nagu reebeen, waxaan taasi ula dan leeyahay xiligii gumeysiga ka hor dadku wexey ahaayeen kuwo wallaalo ah waxaana taasi sabab looga dhigaa dadka oo ahaa  reer Miyi ah in yar mooyee.
 
Burburka midnimadii Somaliyed naloogama horeyn maalinkii aan dowlad buuxda noqonay gumeystuhuna laga xureeyay dhul ballaaran oo dhaca waqooyiga fog ee dalka illaa koonfur galbeed Somaliya.
 
Dal jiritaankiisu waxaa tiir u ah deegaanada kheyraadka dalka laga hello iyo dad daacad ah oo marna aan ku riyoon burburinta jiritaanka ummadeed, min maalinkii aan xoriyadda qaadanay illaa maantadan mar qura ma aysan dhicin in beelaha kale ee Somaliyed ay afkooda ka saaraan wax waliba oo keeni karra dhibaato iyo kala qoqob.
 
Waxaa ugu soo horreeyay oo Somalinimo kala daadshay reer Jabbuuti oo maanta Somali ka madaxbanaan, waxaa xigay beesha Isaaq ee ku habsatay dhulka la isku yiraahdo waqooyi galbeed Somaliya, illaa maantadana miir uma hayaan midnimo Somaliya ka dhacda dantuba haku kaliftee!!!.
 
Saaxiibkaaga saameynta uu kugu yeesho waa mid aan la yaab laheyn, Somaliduna horey ayay kaga maahmaahday, reer waqooyi barri oo deris la ‘ah reer waqooyi galbeed wexey dhankooda iclaamiyeen 198 maamul ka madaxbanaan Somaliya inteeda kale oo iyaga u gaara maantana wexey hayaan waddada go’itaanka.
 
Gobolada dhexe dhulka la isku yiraahdo laga soo bilaabo Mudug illaa Hiiraan in yar mooyee waxaa ka jira maamullo ismaandhaafsan oo go’id u daadagaya, sida Galmudug, Ximin iyo Xeeb oo si marka loo eego qeyb ka noqonaya maamulka Galmudug oo loosoo gaabshay Galgaduud iyo Mudug.
 
Hiiraan, Sh-dhexe iyo Banaadir ayaanu ka jirin maamul intii dalku qasnaa, hase ahaate waxaa ka socday abaabullo iyo dhulboob aan xadidneyn, oo beelaha qaar ay ku kacayeen, si mustaqbalka looga dhiso maamul kale magacuu doonaba ha qaatee.
 
Waxa soo haray waa ummadda asalka u ah jiritaanka Somalida ee degga gobolada la isku yiraahdo koonfur galbeed Somaliya.
 
Dhibaato isir tir aheyd oo sannado soo taagneyd laguna qabsaday dhulkani koonfur galbeed Somaliya ka dib ayay dantu ku qasabtay iney ku dhawaaqaan maamul iyaga u gaar ah ka dib markii cadowgii dhiigga baneystay la iska xureeyay.
 
Nasiib darro ma uusan guuleysan fara gelin iyo la’aanteeda haloo sababeeyee, wixii xiligaasi ka dambeeyay mar kale kuma aysan dhawaaqin wax maamul ah goboladii ayaa kala qeyb samaya kuwo lagu soo duulay iyo kuwo cadowga loogu awood sheegtay ayay kala noqdeen.
 
Waxaa loo xuubsiibtay isku day dowladeed oo wada jir ah in dalka laga hirgeliyo, iyadoo beelaha qaar ay heystaan dhulkooda iyo mid hor leh oo xoog lagula wareegay ,waxaase caqabad ku ahaa maamulada jira ee aan danta ka laheyn jiritaanka ummadda, wexey ku gorgortameen dhulkooda walina waa u waddo.
 
Dadkii siyaasadda ka ilaaliyay qilaafka ogolna Somalinimadu wexey noqdeen dadka kunool koonfur galbeed gaar ahaan qowmiyadda Digil iyo Mirifle, waxaa bilowday in dadkii martida ku ahaa goboladeena iney calan aan jirin naga kor taagtaan dharaar cad, iyagoo isku dayaya iney namatalaan ka dib markii dhulkooda ay soo gacan galsheen, taasi wexey timid ka dib dabacsanaan iyo u jilicsanaan midnimo Somaliyed laga dareemay qowmiyadda.
 
Maahmaah ayaa oroneysa "Kaadi Badane Waa Loo Gogol Badshaa” wexey siyaasadda qalifsan soo jiidmataba wexey soo gaartay qadka cagaaran ama halkeedii ugu dambeysay, dhawaq ayaa yeeraya, haddii laga dhaga adeegana midnimo Somaliyed halis ayay galeysaa.
 
Haddii aan soo sheegnay sida loo  kala heysto goboladii dalka waxa haray waa gobolada koonfur galbeed Somaliya, dhawaqooduna wuxuu  gilgilay jiritaankii Somalinimo, bal qiyaas adiguba maxaa ka haray goboladii Somaliya haddii koonfur galbeed dadkoodu go’aan Muqdisho miyaa isku bedeleysa dalkii Somali laheyd.
 
Dardaaran guud.
 
Dhawaqu wuu dheeryahay, caalamkuna indhaha ayuu nagu hayaa, dib u dhac ha la iska ilaalsho, jiritaanka Somali waa inaga inagaana burburka magacaasi sabab unoqon karna, sidaa daraadeed waa in la muuiyaa jirintaanka ummadda.
 
Lama huraan waa cowska jiilaal, maamulna waa lama huraan.
 
Dhul loobaahdana waa dhulkeena barwaaqadu dhex ceegaagto, dhuuni qaatuhuna dhamacda cas ayaa xaqiiqda barta.
 
Su’aal maxaa nala gudboon haddii aan nahay ummaddaasi­
 
Ugu dambeyn waxaan kusoo gabagabeynayaa Cinwaanka maqaalkeyga.
 
Tiirka Ummadda Somaliyeed  iyo dowladnimadooduba waa Digil iyo Mirifle Ruuxii Riyo Moodow Runtu Wey Soo Bidhami!