Ka gadaal shir muddo afar cisho ah uu ka soconaayay Magaalada Baydhabo, ayaa waxaa maanta laga soo saaray War Murtiyeed, ka kooban toddobo qoddobo.
Shirkaan oo ahaa mid si weyn loo soo qaabaayay, ayaa qorshuhu waxa uu ahaa in looga dhawaaqo Maamul Goboleed, ka kooban lix Gobol, ha yeeshee waxaa leesku raacay in shir dambe la qabto, loogana dhawaaqo Maamulkaasi.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Prof. Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari iyo xubno uu horkacaayo, oo ka qeybgalay shirkaan, ayay isku waafaqeen in si deg deg ah lagu soo dhiso, Maamulka Gobolada Koonfureed, oo noqon doono mid ka kooban Gobolada Shabeellaha Hoose, Bakool, Baay, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose.
Shirkaan ayaa waxaa lagu go'aamiyay in sida ugu dhaqsiyaha badan, lagu soo dhiso Maamulka Gobolada Koonfurta ee lixda Gobolka.