Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya oo sheegay in afar qof ajaaniib ku dhinteen weerarkii Xarunta UNDP;-19

Wasiirka Arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Soomaaliya C/kariin Xuseen Guuleed oo goor dhow shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in Ciidamada ammaanka Soomaaliya iyo kuwa AMISOM bad baadiyeen shaqaalaha Xarunta UN-ka, kadib markii maanta weerar is qarxin iyo mid toos ah lagu qaaday.

C/kariin Guuleed ayaa sheegay in weerarkaas ay ku dhinteen ugu yaraan 14-qof oo ay ku jiraan afar ajnabi oo uusan sheegin dalalka ay u dhasheen, isagoo xusay inay la dilay qaar ka mid ah ragii hubeysnaa ee xarunta galay.

"Abaarihii 11-iyo bar kooxda argagixisada ee Al-Sha baab waxay weerar ku qaadeen Xarunta UN-ka weerar isugu jiray baabuur iyo ciidamo hubeysan oo gudaha galay, markiiba ciidamada amniga ayaa la dagaalay, waxay sameeyeen inay bad baadiyaan shaqaalaha"ayuu yiri Wasiir Guuleed.

Sidoo kale wasiirka ayaa sheegay inay jiraan dhaawacyo dad gaaraya 18-ruux oo u badan dad shacab ah oo ka ag dhowaa goobta qaraxa ka dhacay sida uu yiri.

Wasiirka ayaa sheegay inay ahaayeen 7-ruux kooxihii weerarka ka dambeeyay oo qaarkood uu sheegay inay is qarxiyeen qaarna la dilay sida uu hadalka u dhigay.

Xarakada Al-Shabaab ayaa sheegtay mas'uuliyada weerarka, iyagoo tilmaamay Ciidamo Kumandos ah oo si gaar ah u tababaran ay gudaha u galeen xarunta.

Xarunta UNDP ayaa ah dhisme weyn oo aad u ballaaran, iyadoo ay leedahay labo albaab oo dhanka laamiga iyo dhabarka dambe oo xaafada Buulo Xuubey ah, waxaana la sheegay in shaqaalaha ajaaniibta qaar albaabka dambe laga saaray.

www.wadaninews.net

info@wadaninews.net