Kooxda reer Switzerland ayaa Chelsea dhabarka u saarisay guuldarro xanuun badan iyo ku bilaabashadeedii ugu xumeyd xilli ciyaareedkan oo dhan tan iyo intii uu Roman Abramovich uu iibsaday ka dib markii ay 2-1 ku garaaceen kooxda Blues oo marti loogu ahaa Stamford Bridge dadaal badan ay labda dhinacba ay muujiyeen iyago ka dagaalamayey inay guul daro ku kowsan koox walbo, balse cayaarta bilowgeda waxaa gacanta ku haysay garoonka naadiga chelsea Laakiin Chelsea ayaa hogaan ay u qalantay ciyaarta u qabatay dhamaadkii qeybta hore markii David Luiz uu weerar tagay isagoo kubad u dhiibay Lampard kaasoo isna xerada goolka kubada ugu sii dhiibay Oscar kaasoo kubad joog hoose dabamariyay goolhaye Sommer waxaana lagu kal nastey qaybtii hore cayaarta hal gool ay leedahey kooxda chelsea,
Basel ayaana daqiiqadii 71aad heshay goolka barbaraha ka dib markii Mohamed Salah uu kubad qatar ah uu ku tuuray cagtiis bidix uu shabaqa ku hubsaday, isagoo kooxdiisa ku soo celiyay ciyaarta.10 daqiiqo ka dib Basel ayaana hogaanka u qabatay ciyaarta markii Steller uu madax ku dhaliyay kooner ay heleen isagoo hor istaagay Cahill, waxayna cayaarta ku dhamaatey 2- 1 oo ay guusha ku raacdey kooxda FC Bassel
Dhanka kale kooxda Schalke 04 ayaa guul ku bilaabatay Group E ka dib markii ay 3-0 ugu awood sheegteen kooxda Steaua Bucuresti.
Goolasha oo yimid qeybtii labaad ee ciyaarta ayaa waxaa u kala saxiixay Uchida iyo Kevin-Prince Boateng iyo Julian Draxler.