Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Aadan Madoobe) oo kamid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ee kasoo jeeda gobolada K/Galbeed horayna u soo noqday Guddoomiyihii Baarlamaankii KMG ahaa ayaa ka hadlay arimaha Maamul u samaynta gobolada dalka oo Baryihii ugu danbeeyay uu ay ka jireen Xiisado sida arimaha Jubbooyinka oo siwayn iskugu hayaan dhinacyo deegaankaasi wada daga iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Sheekh Aadan Madoobe oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in loo baahanyahay dadka wada daga deeganada Maamulka loo samaynayo marka hore in dib u heshiisiin la dhex dhigo si ay iskugu calool Fiyoobaadaan isla markaana cid walba uga hesho Maamulka la dhisayo Xubinteeda.
Dhanka kale wuxuu ka hadlay Xildhibaanka Weerarkii dhawaan lagu qaaday Xarunta UN ka ay ku leeyihiin Magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay raga weerarka qaday inay isku ekaysiiyeen laaamaha amaanka ee ka shaqaynayay Xarunta isla markaana ay si fudud ugu suuragashay inay gudaha u galaan Xarunta.
Xildhibaanka ayaa ugu baaqay laamaha amaanka ee ku shaqada leh arimahaasi inay ka diugtoonaadaan isla maraana ay iska hubiyaan cida amaankooda sugaysa.
Email: info@wadaninews.net