Qaarkamid ah Xildhibaanadii Dm oo laga sugayey iney Muqdisho ka ambabaxaan oo ay aadaan Baydhabo si ay uga qeyb qaataan Dhisida Mamaul Goboleed ayaa waxay ku mashquulsan yihiin soo dhown iyo usacba tumid Fanaaniin Qurbaawi ahaa oo Muqdisho u aadey Dalxiis.
Xildhibaanadaan ayaa mudooyinkii ugu dambeeyeyba waxay qabsanooyiinMaalinba Maalinta xigta ayagoo Awal Dhahayey Jawaari Ayaa naga maqan waanu israaceynaa maalintuu imaado dhaqsi ayaa hadana waxay bilaabeen Ilaa Arbacada iyo Khamiista halanasugo Shaqo adag ayaa Dowlada Utaalo Arimo muhiim ah iyo hadalo kale oo aan lagu qanci karin .
Jawaabta cad ee laga dheexan karo Muuqaalada sawiradaan aya ah in Xildhibaan C/siis Afar Indhood oo ah Xildhibaan DM ah gaar ahaan Beesha uu kasoo jeedo ah Beesha Leysaan waxaa maanta lagu dhex arkayey Garoonka Aadan Cade Asagoo usacba tumaya Hiba Nuura Oo xamar Dalxiis u aadey taasoo aan soomaali ahaan laga xumeyn ayaa hadana waxaa isweydiin mudan aawey mashquulkii Baydhabo laga Aadi waayey?
Soo dhownta hanoo dambeysee sow kama hbooneyn in Marka hore Ay Deegaanadooda la boobayo ay Maamul Usoo sameystaan?
Dhanka kale Malaaqyada DM oo Khadka Taleefonka kula xiriirey Gudoonka Baarlamaanka ayaa wuxuu Gudoomiyuhu ushegey inay Baydhabo gaarayaan Maalmaha Arbacada & Khamiista laakiin shaqo badan ay utaalo oo uu aad u amshquulsan yahay lagana yaabo in isla maalintaasi dib uga soo laabto Muqdisho, laakiin Aragtida Jawaarey ayaa ah In Malaaqyadu ay lahaayeen Soo Xulitaan bes ah laakiin aanu laheyn Go'aanka kalsooni kala laabashada Dowlada uu asaga ka tirsan yahay.



