wadaninews online
Home
quran
Tafsiir
subaca
Quran Online
duca
Islaam
muxaadaro
SIIRO
baro nederland
Home
>
aadancaday
aadancaday
26.05.2013 13:26
Aadan Cadde"
Taariikh nololeedkii madaxweyne
Aadan Cabdulle Cusmaan
Last update: Axad - 23 Sep 2007
Allaha u naxariistee madaxweyne Aadan Cabdulle Cusmaan wuxuu ku dhashay magaalada Baledweyne ee gobolka Hiiraan, sanadkii 1908dii, wuxuuna waxbarashadiisii dugsiyada Quraanka & Dugsiyada Hoose, Dhexe iyo Sareba ku qaatay magaalada
Muqdisho.
Wuxuu wax ka bartay maamulka dowladnimo, wuxuuna sameyay dhaqdhaqaaq ganacsi intii uusan ku biirin ka hor xisbigii Leegada ee
SYL
bishii Febraayo sanadkii 1944tii.
Sanadkii 1946dii wuxuu ka mid noqday xubnihii maamulka ee Xisbigaasi, waxaa loo doortay in uu noqdo xoghayaha xisbigaasi ee degmada
Baladweyne.
Wuxuu sanadkii 1951dii noqday maamulihii gobolka Mudug, halkaas oo uu wakiil buuxdana uga ahaa xisbigii Leegada illaa laga soo gaaro sanadkii 1953dii.
Sanadkii 1953dii waxaa loo doortay in uu noqdo ku xigeenka maamulkii maxmiyadda ee loo yaqaanay
Territorial Council
, sidoo kale 1954tii waxaa loo doortay
Guddoomiyihii Xisbiga Leegada
xilkaasina uu hayay illaa laga soo gaaro bishii Febraayo 1956dii.
Bishii Maajo Sanadkii 1958dii waxaa loo doortay mar kale xilka ugu sarreeya ee
Xisbigii Leegada iyo guddoomiyihii golihii lagu magacaabi jirey Somali Legislative Assembly,
xilkaasina uu hayay illaa 1dii bishii July sanadkii 1960kii.
Sanadkii 1956dii waxaa Golihii lagu magacaabi jirey
Territorial Council
waxaa lagu badalay Legislative Assembly, waxaana loo doortay in uu noqdo xubin ka tirsan golahaasi, waxaana laga soo doortay magaalada
Baledweyn
ee dalka
Soomaaliya
doorashooyinkii dhacay, doorashadaasi ka dibna waxaa loo doortay in uu noqdo
Guddoomiyihii Somali Legislative Assembly.
Sanadkii 1959kii doorashooyin guud oo dalka ka dhacay waxaa loo mar kale xubin, iyo in uu noqdo
Guddoomiyaha Golaha Sharci dejinta Koofurta dalka Soomaaliya,
wuxuuna xilka hayay illaa Golihii sharci dejinta uu noqdo
Constituent Assembly.
Tanina waxay u saamaxday in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee soo mara dalka
Jamhuuriyadda Soomaaliya
ka dib markii ay midoobeen labadii gobol Waqooyi & Koofur ee Jamhuuriyadda Soomaaliya 1dii bishii Luulyo sanadkii 1960kii.
Golihii Baarlamaanka ee ugu horreeyay ee ay Soomaaliya yeelato wuxuu u doortay in uu noqdo muddo hal sano ah madaxweyne KMG ah, sanad ka dibna waxaa in uu noqdo madaxweyne muddo lix sanadood ah, wuxuu dalka madaxweyne ka ahaa muddo 7 sanandood ah.
Madaxweyne
Aadan Cabdulle Cusmaan “Aadan cadde”
wuxuu ku hadlaa afafka
Talyaaniga, Ingiriiska, Carabiga.
Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967dii waxaa looga adkaaday doorashooyinkaas, wuxuuna xilkii madaxweynanimo ku wareejiyay madaxweynihii la doortay Allaha u naxariistee
C/rashiid Cali Sharmaarke,
bishii June isla sanadkaas.
Sida uu qorayo sharciga
Jamhuuriyadda Soomaaliya
, madaxweyne kasta oo ay yeelato Soomaaliya , wuxuu inta ka dhiman nolashiisa ahaanayaa xubin ka tirsan baarlamaanka, hadda waa
Somali
Statesman
isku dayaya in uu wax ka qabto nabadgalyada dalkiisa, ka dib dagaalladii dhacay, waana madaxweynaha ugu cimriga dheer madaxweynayaashii soo marey adduunka.
Madaxweyne
Aadan cabdulle Cusmaan
wuxuu bishii Juun sanadka 2007da 8deedii ku geeriyooday magaalada nairbi ee dalka Kenya.
Aadan cabdulle Cusmaan
waxaa lagu aasay magaalada
Muqdisho
11kii bishii Juun isla sanadkan.
Aasakiisana waxaa si wadajir ah uga soo qeybgalay madaxweynaha dowladda KMG ah
C/llaahi Yuusuf Axmed
oo ay la socdeen madaxweynihii dowladdii Carte
C/qaasim Salaad Xassan
& madaxweynihii isaga ka horreeyay ee
Cali Mahdi Max'ed.
Indietro
Cerca nel sito
Contatti
info@wadaninews.net
Homepage
Mappa del sito
RSS
Stampa
Ti piace questo stio?
Crea il tuo situ in 2 minuti!
Provalo ora!