abtirka digil iyo mirefle

28.04.2013 11:51

KA FAA’IDEYSO AMA BARO: SIDA AY U KALA BAXAAN QABIILADA DIGIL IYO MIRIFLE

2/MAY/2007: islaam group online

BEESHA DIGIL IYO MIRIFLE AMA MAGACA NAANEYSTA LOO YAQAAN OO AH “RAXANWEYN”, WAA LABO WIIL OO KAL AH DIGIL IYO MIRIFLE OO DHALAY HAL ODEY OO LA YIRAAH MAADEEY. WAXAYNA YIHIIN DIGIL MAADEEY IYO MIRIFLE MAADEEY.

WAXAYNA U KALA BAXAAN SIDAN:

MIRIFLE WUXUU DHALAY SIDEED ISKU BAH AH IYO SAGAAL ISKU BAH AH WAANA SIDATAN:

BAHDA SAGAAL WAA SAGAAL WIIL OO KALA AH:

GASAAR GUDE, GOBAABWEYN, JILIBLE, GEELEDLE, HADAMO LUGAAY, HUBEER, YANTAAR IYO EEYLI.

BAHDA SIDEEDA WAA SIDEED WIIL OO KALA AH:
JIROON, EELAAY, GARWAALE, LEYSAAN, HARAW, HARIIN, MAALINWEYNE IYO REER DUMAAL uu dhalay 6 wiil oo kala ah DISOW, EMID QOMAL iyo Yalale, Waanjal Heledi iyo Asharaaf.

ABOOWE DIGIL WUXUU DHALAY:

GELEDI, BEGEDI, DABARRE, JIIDO, TUNNI, GARRE IYO REER DAAFEED oo kala ah IRDHO IYO JAMBALUUL.

Laga soo bilaabo horaantii sanadkii 2011 waxa ay dadka ka soo jeeda beelaha asal ahaan degga gobollada Koonfur Galbeed ee Soomaaliya oo iminkana deggan dalkan Boqortooyada midowday ee UK ku howlanaayeen sidii loo heli lahaa maamul ka wada dhexeeya oo u samafalka beelaha ka shaqeeya ka dib marka wixii isfaham la’aan aheyd ee dhexdooda ka jiray xal loo helo.
Waxaa bilowday in beelaha intii is xigtaba ama wada degtaba ay si gooni-gooni ah isku arkaan, hogaana u soo sameynstaan si ay xubnaha beelaha kale wadatashi ula yeeshaan.
Beelaha gooni-goonida u shirey ee hogaanna iska dhex doortay waxaa ka mid ahaa aftarta Boqol Hore ee Disow, Eemit, Qoomaal iyo Yalale; waxaa ku xigey  labada madoobe ee Eelay iyo Harrin, Bagadi, Geledi iyo Garre.