Akhriso qaladaadka ugu badan ay gaalaan Xildhibaanada Baarlamaanka (12-Qodob)

01.07.2013 21:43

Muqdisho: Golaha Baarlamaanka Somalia ayaa waxa ay in badan ka duwan yihiin Baarlamaanada Caalamka.

Baarlamaanka Soomaalida, ayaa waxa ay inta badan Xiliga ay Hoolka ku jiraan sameeyaan dhaqano la yaab leh, oo aad la yaabeyso xiliyada aad daawaneyso Tv-yadda.

Haddaba Qaladaadka Baarlamaanka ayaa waxaa kamid ah:-

1- Fir-fircooni dari ay la dhex joogaan Hoolka Baarlamaanka.

2- Waxad arkeysaa Xildhibaano hoolka ku dhex cunaayo Xanjo.

3- Waxad arkeysaa Xildhibaano Candhuuf ku dhex tufaayo Hoolka oo in badan ay qabatay Kaamiradda.

4- Waxad arkeysaa Xildhibaano Banaanka Hoolka ama Albaabka Hoolka ku hor cabaayo Sigaar IWM.

5- Malaha Aqoon buuxda, waxa ay dhaqan ka dhigtaan Mooshin.

6- Waxa ay isha ku hayaan Ruuxa wata lacag oo ay u fuliyaan Rabitaankiisa.

7- Sax iyo Qalad oo aysan kala garaneynin.

8- Xukuumadda ay kamid yihiin ayee la dul taagan yihiin dhaliilo iyo Eedeymo.

9- Ma aha intooda badan kuwa xakameyn kara haddalkooda, waxa ay sheegaan haddalo is qilaafsan oo is bur-burinaayo.

10- Waxa ay horu mar moodaan Khilaafka Dastuurka iyo Go’aamadda Madaxda sare kasoo baxa.

11- Inta ay socdaan Magaalladda ama ay ku sugan yihiin Hoolka waxa ay kuwada socdaan Reer reer iyadoona aysan ishaada qabaneynin laba isla socta oo kala reer ah.

12- Ma aaminsana waxa loogu yeero kala dambeyn.

Ugu dambeyntii, 12-ka Qodob ee kor ku xusan waa qodobo dhab ah oo inta badan Xildhibaanadda ay sameeyaan.

wadaninews.net  waa udeega bulshada Soomaaliyeed

Email: info@wadaninews.net

www.wadaninews.net