caadan 3

26.05.2013 12:52

 

Madoobe

TTaariikh nololeedkii
Sh. Aaden Max'ed Nuur "Sh. Aaden Madoobe"


 

Sh. Aadan Max’ed Nuur “Sh. Aadan Madoobe” wuxuu ku dhashay magaalada Mandera ee Northern Frontier District “NFD”. Intii aanu siyaasaddu soo gelin ka hor Sh. Aadan “Madoobe” wuxuu ahaa barre quraanka kariimka ah ka dhiga dugsiyada koofur galbeedka ee dalka Soomaaliya.

Sh. Aadan Max’ed Nuur waxaa la sheegaa in uusan laheyn waxa loo yaqaanno “Formal Edcutaion”, wuxuuna siyaasadda soo galay weerarkii ay inta badan koofurta dalka Soomaaliya ku qabsadeen taageerayaashii Gen. Max’ed Faarax Ceydiid.

Sh. Aadan Madoobe wuxuu noqday guddoomiye ku xigeenkii ururkii wax iska caabinta ee Rahanwein Resistance Army ee lagu dhisay magaalaga Jafaay sanadkii 1995tii. Ururkan oo uu hoggaamin jiray G/Sare Xassan Max’ed Nuur “Shaatiguduud”, wallow uu markii dambe ku dooday in uu yahay hoggaamiyaha xaqqa ah ee ururkaas, ka dib markii uu khilaaf xooggani soo kala dhexgalay, xiriir hoosena uu la yeeshay madaxweynihii dowladdii KMG aheyd ee lagu soo dhisay magaalada Carte ee dalka Jibouti.

“Sh. Aadan Max’ed Nuur guddoomiyeyaashii wareegga ahaa ee Golihii la oran SRRC ee lagu dhisay dalka Ethiopia sanadkii 2001dii, markii dambena waxay isaga & ku xigeenkiisa ururka RRA kala taageereen SRRC & dowladdii C/qaasim Salaad Xassan.

Intii uu socday shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay dalka Kenya, waxay hoggaamiyeyaashii 3dii garab ee ay u kala jabeen ururkii RRA ku heshiiyeen in meesha laga saaro cadaawaddii u dhaxeysay, taas oo keentay in uu dhexmaro heshiis kama dambeys ah.

Sh. Aadan Madoobe wuxuu ka mid noqday xubnihii Golihii baarlamaanka KMG ah ah ee Soomaaliya ee horraantii bishii August, sanadkii 2004ta lagu soo dhisay magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Max’ed Ibraahaim Xaabsade ayaa ku eedeeyay horraantii bishii May, sanadkii 2005ta Sh. Aadan Madoobe & Col. Xassan Max’ed Nuur “Shaatiguduud” in ay la wareegeen maamulkii magaalada Baydhabo ee gobolka Bay, taas oo markii dambe xarun u noqotay dowladdii madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed, halkaas oo ay ku geeriyoodeen 19 ruux, halka 28 kalena ay dhaawac ka soo gaareen.

Dhismihii xukuumaddii ra’iisul wasaare Cali Max’ed Geeddi waxaa loo magacaabay in uu noqdo wasiirkii caddaaladda, xilkaas oo uu hayay illaa bishii January, sanadkii 2007da.

Ka dib markii xilka guddoomiyenimada golaha baarlamaanka laga qaaday Shariif Xassan Sh. Aadan & xubno ay tiradoodu gaareyso 28 xubnood oo ka tirsanaa 17kii bishii January, sanadkii 2007da, waxaa Sh. Aadan Madoobe loo doortay xilka guddoomiyenimo ee Golaha baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya 31dii bishii January isla sanadkaas, waxaana xilkaasi loo dhaariyay 3dii bishii February, sanadkii 2007da.

Ka dib markii uu xilka iska casilay madaxweynihii dowladdii KMG aheyd C/llaahi Yuusuf Axmed 29kii bishii December, 2008da ayaa sida uu qorayo axdiga KMG ah ee Soomaaliya waxaa Sh. Aadan Madoobe noqday madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya ilaa laga soo gaaro 31kii bishii January, sanadka 2009ka, xilligaas oo loo doortay Sh. Shariif Sh. Axmed madaxweynaha KMG ah ee Soomaaliya.


Madoobe_Geeddi
Sh. Aadan Max'ed Nuur & ra'iisul wasaare Cali Max'ed Geeddi

Sh. Aadan Max'ed Nuur & wasiirka xannaanada xoolaha Abuukar Cabdi Cusmaan

Sh. Aadan Max'ed Nuur oo salaan ciidamo ka tirsan dowladda KMG ah

Sh. Aadan Max'ed Nuur & guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Cilmi Cusmaan Boqorre

Heshiiskii madaxda dowladda KMg ah ku dhexmaray dalka Saudi arabia

Sh. Aadan Max'ed Nuur oo la hadlaya xubno ka tirsan golaha baarlamaanka

Sh. Aadan Max'ed Nuur oo soo dhaweynaya madaxweynihii dowladda KMG ah

Sh. Aadan Max'ed Nuur & madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed

Shirka xubnaha golaha baarlamaanka ee fadhiga magaalada Baydhabo