cali abookar

26.05.2013 13:32

 

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor


Taariikh nololeedkii S/Guuto
Ismaaciil Cali Obokor

 

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dhashay magaalada Burco ee gobolka Togdheer sanadkii 1937dii.

Ismaaciil Cali Obokor sanadkii 1947dii ayuu tacliinta ka galay magaalada Burco , wuxuuna waxbarashadii dugsiga hoose ku dhammeystay magaalada Sheikh sanadkii 1954tii. Sanadihii 1954tii-1956dii waxbarashadii dugsiga ku dhammeystay magaalooyinka Sheikh & Camuud.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu yaraantiisa jeclaa in uu ka mid noqdo ciidamada Soomaaliya, isaga oo ahmiyad gaar ah siinayay ciidamada militeriga. Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku dadaali jiray sidii looga soo kaban lahaa dhibaatooyinkii ay dadka Soomaaliyeed ka dhaxleen gumeysteyaashii qeybiyay & xaqiijinta midnimada ummadda Soomaaliyeed.

Ka dib markii uu waxbarashadiisii dhammeystay wuxuu tababar dhinaca ciidamada ah ku tagay dalka Ingiriiska, wuxuuna sanadkii 1958dii waxbarasho dhinaca ciidamada ah ku qaatay akademiyada ciidamada ee “Sand Dhurst”.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu dalka dib ugu soo noqday sanadkii 1960kii isaga oo ka mid ahaa saraakiishii ugu horreysay ee loo soo tababaro waqooyiga dalka Soomaaliya. 1961dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu taliye ku xigeen ka noqday dugsigii tababarka saraakiisha isaga oo 2 xiddigle ah.

1962dii wuxuu in muddo ah madax ka ahaa xafiiska isku duwidda ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, 1963dii-na wuxuu taliye ku xigeen urur ka ahaa ciidamadii fadhigoodu ahaa gobolka J/Hoose ee magaalada Kismaayo.

Sanadkii 1965tii wuxuu tababar ka galay magaalada Muqdisho, waxaana tababarkaas ka dib loo magacaabay taliye urur in uu ka noqdo magaalada Kismaayo, waxaana loo dallacsiiyay darajeda 3 xiddigle ama dhamme.

1967dii waxaa loo magacaabay taliyaha ciidanka dugsiga tababarka ee Xalane oo waqtigaas la oran jiray “Bootiko” laguna carbin jiray leyliska xoogga dalka Soomaaliyeed isla markaana lagu qaadan jiray tababarrada & dallacaadaha & mideynta saraakiisha dibedda ka timaadda.

Saraakiishaas waxaa ka mid ahaa wufuud ka kala socota dalalka Tanzania, Zambia, Egypt, Nigeria, iyadoo wefdigaasi uu u xilsaaray dalka Soomaaliya Ururka Midnimada Africa.

Ismaaciil Cali Obokor waxaa wafuuddaas ku wehliyay Mondolano oo madaxka ahaa ururkii Federlimo, Samoro Micheel & Marsellino Do Santos oo ay socod dhinaca lugta ah ku galeen dalka Mozambique 520 KM, doorkii Soomaaliyana aad loogu ammaanay.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ka mid ahaa saraakiishii ciidamada ee hoggaaminayay Kacaankii aan dhiggu ku daadan ee 21kii bishii Oktoobar ay ciidamada qalabka sida kula wareegeen talada dalka Soomaaliya.

Curashadii Kacaanka ka dib wuxuu muddo 6 bilood ah madax ka ahaa guddigii la oran jiray Xisaabi-xil-maleh, oo la sheegay in ay baarayeen tagrifal la sheegay in lacago lagu lunsaday intii ay jireen xukuumadihii rayidka ahaa.

Sanadkii 1970kii Ismaaciil Cali Obokor waxaa loo magacaabay wasiirkii warfaafinta & hanuuninta dadweynaha, wuxuuna isla sanadkaas u dallacay darejooyinka G/Dhexe & G/Sare.

Ismaaciil Cali Obokor muddadii uu wasiirka ka ahaa wasaaraddaas waxay noqotay tiirarka ugu waa weyn ee Kacaankii 21kii Oktoobar. Wasaaraddan oo loo arkayay in ay qeyb weyn ka qaadan karto isbedelka xagga maskaxda ah, dhaqanka & nolosha bulshada cusub ee u halgameysa hirgelinta macda’a Hantiwadaagga Cilmiga ku dhisan.

Ismaaciil Cali Obokor waxa uu aad ugu dadaalay sidii loo kordhin lahaa shaqaalaha wasaaraddaas & dhaqaalahoodaba, waxaa dib u soo noolaatay kalsoonidii falsafadda Kacaanka horseedka ka ahaa.

1971dii, ka dib isbadel lagu sameeyay xubnihii hoggaamiyay Golihii sare ee Kacaanka waxaa loo magabaacay in uu noqdo madaxweyne ku xigeenkii 3aad ee Golihii Sare ee Kacaanka.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu madaxka soo noqday guddiyo ay ka mid ahaayeen;-

1. Guddigii Olaha Shaqaalahaa;

2. Guddigii Ololaha hirgelinta Hantiwadaagga;

3. Guddigii Kacaanka Dhaqanka ee hirgelinta Afka;

4. Guddigii Dacwooyinka shaqaalaha;

5. Guddigii Ololihii qabyaaladda.

Sanadkii 1974tii wuxuu Ismaaciil Cali Obokor guddoomiye ka noqday Golihii Sare ee Kacaanka u qaabilsanaa siyaasadda & arrimaha bulshada.

1976dii Ismaaciil Cali Obokor wuxuu gaaray derajada S/Guuto, wuxuuna isla markaana noqday guddoomiyihii guddiga qabanqaabada howlaha Xisbiga Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed.

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor dhismihii Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed noqday kaaliyaha Xoghayaha Guud ee xisbigaas.

S/Guuto Ismaaciil Cali Obokor wuxuu noqday guddoomiyihii ugu horreeyay ee Golihii Shabciga Qaranka ee la dhisay sanadkii 1979kii.

Ismaaciil Cali Obokor xabsiga loo taxaabay sanadkii 1982dii ka dib markii lagu soo eedeeyay qiyaano qaran & in uu wax ka maleegayay afgambi lagu rido madaxweynhii Golihii Sare ee Kacaanka,waxaana xabsi uu ku jiray illaa laga soo gaaro sanadkii 1988dii.

Xubnaha lala xiray waxaa ka mid ahaa;-

1. Cumar Carte Qaalib

2. S/Gaas Cumar Xaaji Masalle

3. G/Sare Cusmaan Max’ed Jeelle

4. Warsame Juguf oo intii uu xirnaa ku geeriyooday xabsiga dhexdiisa.

Ismaaciil Cali Obokor wuxuu ku nool yahay dalka UAE wixii ka dambeeyay ridistii dowladdii militeriga aheyd.