Daawo khudbadii ciida ee Sh Shible ee magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya

11.08.2013 15:10

Nairobi:-Waxaa dhamaan dadweynaha Soomaliyeed ku nool magaalada Nairobi isku soo baxeen garoonka weyn ee xaafada isli iyo kan Sir Ali waxana salaadi ciida xaafada Islii ka tujiyay Sheekh. Maxamuud Maxamed Shibli. Markii Salaadii la tukaday aya waxaa uu Shiikhu jeediyey khubadii ciida isagoo dadweynihii soo tukaday Salaada ciida u dardaarmay cabsida Alle iyo in dadka masaakiinta ah laga farxiyo.
Sh Maxamuud Shibli ayaa shacabka Soomaaliyeed ku waaniyey in ay ka fogaadaan dhibkii ay isku sameeyeen oo ay ugu horayso in dagaaladii qabiilka oo Soomaali isku baabiyeen oo aduun iyo dalba ay ku burbureen.
Dhinca kale Sh Maxamuud Shible ayaa ka digay dadka umada Muslimiinta ah gaalaysiinayay oo magac diineed umadii ku laayey oo dhiigooda banaystay oo dadkii lagu ugaarsanayo Masaajidda hortooda iyo Fatwooyin marin habow ah umadii aafeeyey.

Hoos ka Daawo khubadii ciid ee Sh Maxamuud Shibli

 

Shabakada wadaninews.net Kala Soco Wararkii Ugu Danbeeyay

Nagala Xiriir E-mail:info@wadaninews.net

Fadlan Fikir kaaga Ha'ahaado Mid Bulshada Waxtar u leh