deero

26.05.2013 13:07

 


Taariikh nololeedkii Gudd. baarlamaanka KMG ahaa Hon. Mustaf Muqtaar Guudow

Last update: Axad - 30 August 2009


Hon. Mustaf Muqtaar Guudow

Mustaf Muqtaar Guudow wuxuu ku dhashay magaalada Abagbeedey ee duleedka degmada Xudur ee gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1952dii.

Mustaf Muqtaar Guudow wuxuu ka mid ahaa xubnihii Guddiga Fulinta ee ururkii RRA ee uu madaxda ka ahaa Col. Xassan M. Nuur Shaatiguduud. Sidoo kale wuxuu ka mid ahaa xubnihii ururkaasi uga qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee ka dhacay magaalada Carte ee jamhuuriyadda Jibuuti, wuxuuna xubin ka noqday xubnihii Golhii baarlamaanka KMG ahaa ee madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan.

Ka dib khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay xubnihii dowladdii KMG aheyd uga qeybgalayay shirkii magaalada Embaghati ee dalka Kenya isla markaana xilalkii ay hayeen laga qaaday guddomiyihii Golaha baarlamaankii KMG ahaa Hon. Cabdalla Deerow Isaaq & ra’iisul wasaarihii xukuumadda KMG aheyd Xassan Abshir Faarax loo doortay in uu noqdo guddoomiyihi KMG ahaa ee dowladdii KMG aheyd ee madaxweyne C/qaasim, xilkaas oo uu hayay doorashadii xilkaasi loo doortay Shariif Xassan Sh. Aaden bishii August, sanadkii 2004tii, waqtigaas oo ku beegan doorashadii mas’uulkii ugu horreeyay ee mas’uul lagu doorto shirkii muddada dheer uga socday hoggaamiyeyaasha kooxaha Soomaaliya & dowladdii KMG aheyd ee madaxweye C/qaasim Salaad Xassan.

Hon. Mustaf Muqtaar Guudow kama mid aheyn siyaasiyiinta sida weyn looga yaqaanay saaxadda siyaasadda ee dalka Soomaaliya, shirkii ku soo gebagaboobayna magaalada Embaghati waxaa loo doortay mudaneyaasha baarlamaanka KMG ah ee dalka Soomaaliya, wixii ka dambeeyayna wax war ah lagama maqal, waxayna u muuqataa in uu isaga gaabsaday siyaasadda dalka Soomaaliya.