deero isaaq

26.05.2013 13:11

 

Taariikh nololeedkii Gudd. baarlamaanka KMG ahaa Hon. Cabdalla Deerow Isaaq

Last update: Axad - 30 August 2009

Cabdalla Deerow Isaaq
Hon. Cabdalla Deerow Isaaq

Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu ku dhashay koofurta dalka Soomaaliya sanadku markuu ahaa 1950kii. Cabdalla Deerow waxbarashadiisii dugsiga quraanka ka sokow, wuxuu barre ama macallin ka soo noqday intii ay jirtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya dugsiyada waxbarashada ee gobolka Bakool ee deegannada koofur galbeed ee dalka jamhuuriyadda Soomaaliya.

Cabdalla Deerow Isaaq wuxuu siyaasadda soo galay burburkii dowladdii madaxweyne Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna ka mid noqday hoggaankii ururkii wax iska caabinta ee Rahanwein Resistance Army ee RRA loo yaqaanay, wuxuuna ahaa Xoghayihii Guud ee dhaqdhaqaaqaas ee dagaalka la galay xoogaggii uu hoggaamin jiray Gen. Max’ed Faarax Ceydiid ee xoogga ku qabsaday deegaannada koofur galbeedka ee dalka Soomaaliya.

Dabayaaqadii bsihii August sanadkii 2000 waxaa loo doortay in uu noqdo Guddoomiyihii Golihii baarlamaankii KMG ahaa ee lagu soo dhisay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Carte ee dalka Janhuuriyadda Jibouti.

Cabdalla Deerow Isaaq waxaa xilka guddoomiyenimada golahaasi laga qaaday taariikhdu markii ay aheyd 09kii bishii August, sanadkii 2003da sida ku cad qoraal ka soo baxay xafiiska madaxweyne C/qaasim Salaad Xassan lambarkeeduna ahaa GSH/1/061/03, kuna summadeysneyd MJS/282/03, wallow xilliga xilka qaadista lagu sameeyay uuba dhammaaday waqtigii loo qabtay jiritaankii dowladdaasi amaba uu xilkeedii dhammaaday.

N.B.:- Eeg buugga Taxanaha Taariikhda Soomaaliya ee uu qoray C/casiis Cali Ibrahim "Xildhiban", Page number 292, lana daabacay bishii November, sanadkii 2006dii, London.

Cabdalla Deerow wuxuu ka qeybgalay shirkii dib u heshiisiinta ee lagu qabtay magaalada Eldoret ee dalka Kenya, wuxuuna ka mid noqday xubnihii golihii baarlamaankii KMG ahaa ee halkaasi lagu soo doortay, waxayna dadkii aqoonta durugsan u lahaa ku tilmaameen in uu ahaa Cabdalla Deerow wuxuu ahaa nin hal adag isla markaana aan ka waaban runta, qiimaha kasta ha ugu kacdee.

Allaha u naxariistee Hon. Cabdalla Deerow Isaaq waxaa lagu dilay magaalada Baydhabo oo fadhi u aheyd baarlamaanka KMG ah ee Soomaaliya xilli uu ka soo baxayay masjid uu salaaddii Jimcaha ku soo tukaday taariikhdu markii ay aheyd 26kii bishii July, sanadkii 2006dii.

Sidoo kale waxaa magaalada Baydhabo lagu dilay Allaha u naxariistee Hon. Max'ed Cusmaan Maye isla markaana dhowr jeer wasiir ka soo noqday goleyaashii wasiirada Soomaaliya taariikhdu markii ay aheyd 09kii bishii Septembar, sanadkii 2008dii, xilli uu soo tukaday salaaddii taraawiixda ee bishii Ramadaan.

Nasiibdarro weli caddaaladda lama hor keenin dambiileyaashii mas’uulka ka ahaa dilka mudanahaas ka tirsanaa baarlamaanka Soomaaliya, isla markaana ahaa Wasiirkii Dastuurka ee dowladdii Prof. Cali Max’ed Geeddi ee madaxweyne C/llaahi Yuusuf Axmed.

Geeridiisii ka dib waxaa loogu magacdaray dugsi waxbarasho oo ku yaal magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, waxaana dugsigaasi loo bixiyay dugsiga hoose & dhexe ee Cabdalla Deerow Isaaq.

Hon. Cabdalla Deerow Isaaq
Hon. Cabdalla Deerow Isaaq oo lagu soo dhaweynayo xaruntii dowladdii KMG aheyd ee
magaalada Jowhar ee gobolka Shabeellada Dhexe ee dalka Soomaaliya

Allaha u naxariisto.

Aamiin