Dhaarta xildhibaanka.by:ahmed a.takar

24.05.2013 21:02

Dhaarta xildhibaanka.by:ahmed a.takar

23 mei 2013 23:09 | ahmed | no comments

Allah (swtc) wuxuu quraanka kariimka noogu sheegay qolooyin
qas wada-yaal ah oo markii la yiraahdo:waar dhibka joojiya oo
dhulka ha- fasaahaadinina waxay dhihi islaax baan wadnaa,
waase mufsidiin isma oga lakinse...


Intii dhageysatay hadaladii ay warbaahinta ka sii daayeen qaar kamid ah
xildhibaanadii hor boodayey Mooshinkii dowlada lagu suul-daarayey ee
fashilmay waxay dadka Mediyaha ka daawanaya ay maqashiinayeen iney wadaan
Mooshin ay ugu daneynayaan maslaxada dadka iyo dalka (waa sidey hadalka
u dhigeene),runtiise hadalkoodu taas muu aheyn ee waxay wadeen oo kaliya
" wixii xilka lahaa ee ay caadada u lahaayeen ,illeyn ninna caadadiis kama tagee"


Xubnaha baarlamaanka somaliya waxay u badan yihiin kuwo maal jecel,
kuwo mansab jecel,kuwo muraad u gaara jecel, kuwo qabiil jecel,
kuwo qayaano jecel,kuwo gumeysi jecel , kuwo gar-darro jecel …

Waxaana ku yar inta dalka jecel, inta diinta jecel, inta danta umadda
jecel, inta cadaaladda jecel , inta gobanimada jecel,waayo
waxay quutaan ama ku qayilaan amase qeybsadaanba waa
kharash xaaraana oo jeebka loo galiyey si ay mooshin usoo
maleegaan , amase waa xoolo qaran oo la dhacay, ama waaba
lacago mucaawino dadka masaakiinta loogu tala -galay oo la
leexsaday ..

Dadkuna waa uun laba nooc :

Mid og sababta uu dunida u joogo (u nool yahay) iyo meesha
uu u socdo iyo in ALLE -CAADILA la horatagayo berito su,aasha
qof kasta la hor-dhigayana eey tahay : xoolihiisa meesha uu
ka tacbaday iyo halka uu ku bixiyey..

Iyo mid aan arrintaasba war u hayn oo hamigiisu yahay oo kaliya ..
maxaad cuntaa! maxaad ceebeysaa! maxaad caburisaa!
maxaad cilaaqdaa! maxaad ciideysaa!… waana noocaan dambe kuwa
waday mooshinka fashilmay ee qof kastoo damiir lihiba uu ka damqaday.

Tiro badanaa..

waxaa wax lala yaabo ah waddan(Somaliya) lambarka koowaad kaga jira
caalamka xagga faqriga, takhalufka, tacliin la,aanta, gaajada,
cudurada , iyo wax kastoo umadi ku horumarto oo hadana
xubnaha baarlamaankiisu kor u dhaafeeen 275 qof ,
oo kaba sii darane hadana xukuumada eey ka tirsan yihiin ee
taagta daran ula jooga lugooyo iyo khiyaano qaran ,umada eey
metalayaana usoo jiidey ceeb iyo calool xumo …
iyagoon ka daalin Mooshinka iyo muranka joogtadaa, halkii ay ku
mashquuli lahaayeen dhismaha wadanka,dhowrista sharciga,iyo iney dhibta
ka dulqaadaan umaddooda dhibaateysan taasoo ah tii ay u dhaarteen .

Geba-gebada qormadeyda waxaan jeclahay inaan tilmaamo iney jiraan xildhibaano
Soomaaliyeed oo sharaf leh mudana in lagu deydo ,kuwaasoo leh sharaftii lagu
yaqaaney muwaadinka jecel dalkiisa ,dadkiissa iyo diintiisaba .waana qeybtaan
kuwa salaanta sharafta aan halkaan uga dirayo ee ka dhabeeyey magacii alle ee
ay ku dhaarteen ...
 
Qore/ Ahmed A.Takar