Calankaagu suul (gabay) South afrika

05.06.2013 18:43

Nimanyohow saqdii dhexe xalaan, salalay dhawr jeere

Qalbigaa isaaqmoo wadnahaa, sayray dhiig badane

Sarakacay sariirtii malladin, seexashiyo jiife

Caro saaqday laabtaa afkuna, aburka sayraaye

Si aan yeelo waan garan la’ahay, talo ansuubshaaye

Sanweyn qooqay baa igu tadhahay, suge dadkaygiiye

Safayn bay u laayeen dhammaan, magaca soomaale

Sunuud iyo naftoodaba ma dayn, saancadaaluhuye

Sawiradii an daawaday caray, igu siyaadsheene

Gumaysigu markuu saafay ee, seedihii jarayay

Saf yar oo caddaan ahi markay, soorka kala daashay

Hiilkaan siiyay waakuwii xornimo, saaray calankiiye

Santi laguma taartaa layiri, doqon sac weeyaane

Midkii aad wax siisaa udaran, dhagar samayntiiye

Sadar bay ku qoranyiin dadkay, naga sarquunsheene

Saamaxaad inaad qaadanaa, waa si aan jirine

Dagaalkii sokeeyaa ibaday, silica maantaahe

Sidaydii marbaan noqon adduun, waa sil-silad jaane

Sanweyntuna mar bay gelin dagaal, sabab la’aaneede

Duul soo yaacay way ii imaan, meerto socodkiiye

Kaydkay samaysteen ayaan, siin cantoobsiga e

Inkastoo siday ii galeen, anan samaynaynin

Haddana saadka qorigaan la dhici, saabka feeraha e

Mar haddaanan saam iyo gantaal, kugu ridayn saaka

Ama aanan diyaarado socdiyo, saaruuq kula gaarin

Sacabada waxaw dhiganayaa, saatir eebahaye

Sal hadhigina gaalada madow, malaha saaxiibe

Abaar soogan silic iyo wax li’i, seben colaadeedka

Sokeeyohoo dagaaliyo ilaah, nabadda kaa suuli

Saliidiyo batroolkiinu qarax, saatir waa keliye

Suujimo holcaysiyo cirkoo, danab ka soo yaaco

Dhul gariir saxriir idinku fala, dabaqyadoo seexda

Badda oo sunaamidi katimid, gobollo saamayso

Daacuun safmara oo ku dhaca, madaxdan siijeedda

Aydhiskii sibaabnaa rabbigay, ha idinku saynsaabo

Saqmi aan baxayn iyo xanuun, sababa ruuxiinna

Soo jire khalqigu wuxuusan maqal, saabay gurigaaga

So’ ha cunina xoolaha abaar, seexisaa heline

Sadkaad boobtay silic iyo ka qaad, saxasho mawdkaa ah

Boog iyo suntoo wada socdaa, saabka kaa daga e

Haddaad subag ku iidaamatiyo, sixin la geedeeyay

Saboolnimo daraadeed dunidu, qamadi kuu siiye

Senti dhururuq weligaa ha helin, faramarnaan seexo

Sebigiyo carruuraha u waa, soori waa qado e

Sabuulkiyo waxaad beerataan, sooma baxo waana

Roob soo darrooriyo ha helin, saban barwaaqaade

Biriq samada laga soo ganiyo, daadad kugu seexde

Calankaagu suulyoo lawaa, nacay surnaantiise

 

Afartaa summaday ee murtida, saaxi ma u sheegay

Xanaaqaan la sarakacay dagaal, seeri ma u yeershay

Ma ku sugay cadaawaha riddada, waan sumayn jiraye

Surmaseegto iyadoon lahayn, shiishka ma u saaray

Xog kalana anaa kuu sidee, saamac hadalkayga

Soomaali waa waaya arag, maanta say tahaye

Waddan aanay socodkii ku tagin, waa dhif saan qabo e

Sinji sooc huruufliyo dhibbay, qaabileen silice

Qaar diinta laga saaray oo, saaqidaa jira e

Kuwo dhaqanki sayroo dhar li’i, soogan baa badane

Sanka iyo dhegaha niman durtoo, dumarka saaweeya

Iyo sixille duul wada noqdoo, ay balwadi saaqday

Seygoodi dumar cayriyoo, saaxib la caweeya

Sarkhaansane warmoog iyo intii, siriqda loo qoolay

Waa tira ka saa’ida caqliga, sax u tilmaankiiye

Saxalkiyo dhibkaan nagu habsaday, sixir kasii weyne

Subxaanka iyo eebbaan baryee, sida hannoo dhaamo

Sawd afrika walaalaha ku nool, duco kusoo saada

Sugnaan iyo ammaan inay helaan, weyne u su’aala

Qalbigiinna siiyoo xanuun, ha idin saameeyo

Xaddiis sugan sidii uu ahaa, waad la socotaane

Xubin qura sidiisii ka dhigan, muumin sawraca e

Middii dhaawac soo gaaro waa, seexan kariwaaye

Innaguna sidaasaan nihiyo, kalama soocmaane

Midka dhagaxa lagu saafay waa, jiirka seedaha e

Saadkiyo hantidi kay dheceen, soori maan rabine

Inta haatan samabaxa qabtana, soo tagaan dhihiye

Waddankeennaa saatir noo dajaye, beerta saraciinna

Dhismihiisa sii horumarshoo, suga ammaankiisa

Warshadaha sancada keena oo, saaxi u adeega

Dalka sare u qaadoo ka dhiga, xarun lasoo aado

Dalxiisyada sun-sumi baa ku iman, marin socdaalkiiye

Dhaqaalahay sidaan baad la hari, doollar soo gala e

Kuwii shalay kusoo cayriyaa, daawan saanahaye

Saxada iyo muuqaalka wacan, yaabka way sidiye

Sawdkooda qaar baad ka maqal, saan umaan qabine

Nimcaduu sarreeyuhu dhex dhigay, saa’id naga dheere

Saliidda iyo macaadiinta taal, baarayaal suga e

Soddon ceel ka badan meelahay, sax u tilmaameene

Saddex keliya oon qodonabaa, sulus haraayaaye

Sawd afrikiyo asaageed ayaad , suulka ugu yeeri

Sidii aad dhahdaba way aqbali, saa danbaa tiriye

Sucuudigaa shidaal yari ku dhici, sida ay sheegeene

Salka moolka adigaa fadhiya, seermaweydada e

Sabool baahan soomaali maleh, sabanba waa cayne

Waqtigaa i saacidi rabbaa, siiya aadmiga e

Reer galbeedna saalufbaa ku dhici, salal abaareede

Sancadiyo farsamadaan hantiyi, sahasho waa maale

Saynis yahanno caanaa u kici, qalab sameeyaale

Sayruuq gacmeed baan hawada, saaran oo dhigane

Sirta iyo xogtoodaan ka heli, samada guudkaase

Gantaalaha riddada sii foglaa, saanacay barane

Diyaarado an soo saaray baa, suuqyadii tagiye

Tignoolooji sare iyo farsamo, gaalo sixi weyday

Sacabbaday afkii saarinoo, yaabka lala suurye

Marbaan dunida ugu xoog sarrayn, saan rajaysnahaye

Sixirkii qabiilkana fahmoo, laygu siri waaye

Rag inaan la saayiro ayaan, suumankow xirane

Saadaal rumowdana ma yara, saad la socotaane

Samir quusa weligaa ha filan, saa sawaan nahaye

Iinsha alla safarkiyo higsigu, waa sidaan rabaye

Iska sugo berriyo saadambaba, guusha soo socota

fikradii mohamed ibraahim afgaay

info@wadaninews.net

www.wadaninews.net

Ha moogaanin abwaan afgaay