Gabay Xiiso Badan Oo La Yiraahdo "Daryeel Shacab.

25.05.2013 10:32

Gabaygan waxaa uu ka turjumayaa Muhiimada Maamulka iyo dowladnimadu leedahay iyo inay tahay arrin daruuriya oo sida qofku ugu baahan yahay, Cuntada,Biyaha iyo Hurdada uu ugu baahan yahay, Maamul iyo nidaam iyo kala dambayn inuu helo meel kasta uu joogo.

 

 

 

1.Deelka gabayga, diiwaan murti leh, Dedan wax loo sheego

2.Dan ka hadalka, doodii waxtara, Daacad lagu taaro

3.Damal geeynta, xaajada delegan, Duqayda loo saaro

4.Dacwadeedu goortay dhacdana, La iska daaweeyo

5.Dakanadii horaatana la dhayo, Daanadiyo boogta

6.Diyo iyo wanaag lagu dabaqo,Ddeeble laga dhiibo

7.durtaba saamax laga qaatee, Duco la raacsiiyo

8.Dabkii baxayey baa lagu danshaa, Dirir colaadeede

9.Dadkii kala durkaa lagu helaa, Dib u heshiintoode

10.Dirirkeedii suugaanta waa ,Daawo dhalinteede

11.Difaacii xumaantay ahayd , Doorka nabadeede

12.Dayr iyo gu’ dayey ahayd, Doog ka soo baxa e

13.Dalo iyo waxsheeg bay ahayd, Daacad loo hura e

14.Darka ceelka iyo bay ahayd, Dawlis aan go’ine

15.Dalaalimo wanaageey lahayd, Lagu daryeelaaye

16.Dugsi iyo aqoon bay ahayd, Lagu dareeraaye

17.Dayax nuurayiyo bay ahayd, Dab u iftiimaaye

18.Deegaan barwaaqay ahayd, Lagu dalxiisaaye

 

19.Doodeeda anigoo xidhoo , Daayey gebibeedba

20.Ayuunbaa durbaan lay tumay, Aan ku diirsadaye

21.Da,yartii dalkaygaan arkayo, Door ka soo baxaye

22.Niman danaha guud wada ayaa., Daayin soo diraye

23.Diiwaanka ruuxii galaa, lagu daraasayne

24.Dariiqyadi xidhnaan jiray, raggaa layrarka u daaray

25.Ee nabadda doonaaya iyo ,Dowladnimadeeda

26.Inaad dacal istaagan rabaa ,Dood u mariyaaye

27.Dadku inuu nabdaan doonaya, Dib u heshiiyaaye

28.In dagaalka laga joojiyo, Dirirta naafaysay

29.Degelki burburey doogsadoo, Doogtii laga reeysto

30.Oo dabaqdheer laga dhisiyo ,Duni iftiimaysa

31.Oo daacad loo dhaqo shacbiga, Dacaladeed yaala

32.Dugsiga islaamkiyo la furo, Door aqooneedka

33.In la daayo xumahaan rabaa Samo la doonaaye

34.In dedaal waddaniyeed lagalo, Duunyo lagu doonin

35.Ama daraja iyo magac la rabin Daacadnimo uuna

36.Oo deeqna lagu sii baxshaan Doonayaa abide.

 

37.Duqaydiyo caruurtaan rabaan Inaan dugsiinaaye

38.Dhalinta iyo dumarkaan rabaa, Inaan daryeelnaaye

39.Dadkaygoo dhan baan doonayaa , Inaan u duubtaane

40.Inta ruux damiir laan rabaa, Inay dareemaan

41.Intaas waa danti guud dadyahaw ,Lagama dayrshaane

42.Bal aan dulucda hoosiyo u dego, Ararta duubkeeda.

 

 

43.Dadkuna waa xigaaliyo duriyad, duudii soomaale

44.Danta lama huraan, waa dalkiyo, diinta eebahaye

45.Dadkuna waa kuwii loo diraye , daayacayn abide

46.Dalkii waa kanoo dowladnimo , Laysku wada diidye

47.Nin waliba halkuu dego hadduu, Daacad u ahaado

48.Oo dayrtoo oo maamul iyo ,Doorsan ka abuuro

49.dadweynihiyo shacabkaa degani helo, Daryeel fiican

50.Miyaa laysku diidaa dunidu, Way ku socotaaye

 

51.Dakanadiyo dhiiladii horiyo, Dirirtaan soo dhaafnay

52.Dura waxii la soo maray dad, Weli doonayaa jira e

53.Darsi umaysan noqon daanadiyo ,Duulankii hore

54.Dambiyadii Shalay doonayaan, Door labaad kale

55.Diin ruux ka been sheegaya,Damac hubaalaysan

56.Isku duubni ruux diidanoo ,Beelnimo u duuban.

57.Dibindaabyadii hore mid fali ,Weli dariiqeeda

58.Mid uun dooni duul wada dhashay, Diradireyntooda

59.Deegaanka Soomaaliyeed ,Deyr ku kala oodi

60.Miyaa ruux damiirliyo, dal jire ,Weli ku doodaaya.

61.Federaalku waa daano iyo ,Dabin gumaysaade

62.Waa inaan dib loo arag midnimo, Lagu dakayeeye

63.Waa inay difaac kala galaan, Deriska deegaane

64.Waa inaynu duulaan mar kale, La is duqeeyaaye

65.Waa iney dadkuna kala durkaan, Dirir Bilowgeede

66.Ninkii dowlad Soomaaliyeed ,Diiday maqalkeeda

67.Ee dano qabiil doonayoow ,Daalin baad tahay

68.Dersi nimaan ka baran daqaradii ,Gaadhay baad tahaye

69.Dood ruux qaboo weli darxumo, Doonayaa tahay

 

70.Dabka aad shidaa daalinoow, Wuu ku diliyaaye

71.Dabinkaad xidhaa dirdiroow, Waad ku dagantaaye

72.Daleeshaad dhigtaa xaajada, Ku darnaan abide

73.Darajiyo wanaag laguma helo, Docodocayn jaane

74.Allow yaa dar bay tuban tahaye, Dib uga soo foofsha

75.Allow yaa dubihii shalay ku dhacay,Daawasho u geeya

76.Allow yaa darxumadey mareen, Dib u xasuusnaada

77.Allow yaa digtii iyo damtii, Dirirta maantoole

78.Ee danabyadeedii midh tirey, Daaya garansiiya

79.Naga daaya duul kala saftiyo, Dacarta laaqeeda

80.Oo dowladnimo waa jannee, Doona hadafkeeda.

81.Damal iyo hadh weeye dugsiga, Noloshu ay taale

82.Isku duubni guul weeye ,Doona Qarankeena

83.Danbi maaha ruux ii dantiyo ,Dowlad curiyaaye

84.Kuwa duubtay maantoo dedaal, Guula weeyaan

85.Haka daalinaan odhan lahaa waa, La degayaaye

86.Waxba gabaygu yuu ila durkine ,Waxaan ku soo dayray

87.Naftu waxay dareentaa dadyahaw ,Dowladnimo weyne

88.Dadku waxuu gaajaysan yahay ,Maamul daacada,he

89.Dantuna waa dadkoo wada dega ,Oon lays durayneeyne

 

90.Allahayoow adigaa daayimaoo ,Cidi ku diidayne

91.Adigaa dunidan weyn iska leh ,Dood lagaa geline

92.Rabiyoow dadkaagaan nahaye ,Nabad na daawaysa

93.Darxumada na haysiyo rabiyo ,Diifta naga qaada

94.Naga dami dabkaan iyo danbigay ,Gaadhay dunidoo dhan

95.Ilaahay degani noogu deeq, Dowladnimo taam ah.

96.Ducada naga Ajiib Daahiroow,Daacad baan nahaye

97.Dadkaagaan nahaye daayimoow , Diinta nagu toosi !!!