madahawaynaha

10.05.2013 11:18

 

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Hassan Shiekh Mohamud ayaa booqasha ku jooga dalka Mareykanka magaalada waashington, booqashada madaxweynaha ayaa timid casuumaad rasmi ah oo uu ka helay dalka mareykanka,Mudane Hassan shiekh Mohamud wuxuu la kulmay madax badan oo ka tirsan dowlada mareykanka gaar ahaan dhigiisa dalkaas, waa Madaxweyna Obama, Sidoo kale wuxuu la kulmay madaxa Bank-ga aduunka oo ay ka wada hadleen in uu gacan ka geysto dib u dhiska dalka Soomaaliya.

Booqashadaas kadib Madaxweynaha wuxuu khudbad dheer ka jeediyay Xarunta lagu magacaabo xaruunta CSIS (Center for Strategic and International Studies) ee magaalada Washington. Khudbadii madaxweyna waxay ku saabsaneed aqoonsiga ay aqoonsatay dowlada Mareykanka dalka Soomaaliya Iyo xariirka caalami ee ka dhaxeeyo labada dal, Madaxweynaha intii uu ku jiray khudbadiisa wuxuu ka hadlay ammaanka dalka iyo dhibaatada soo gaartay dadka masaakiinta ah iyo waxa ay ka damacsanyihiin.

Martidii daawaneysay Khudbada Madaxweynaha ayaa weydiiyay Su’aalo ,Madaxweynaha si wanaagsan oo faahfaahsan ayuu u wajahay Su’aala la weydiiyay.

Waa markii ogu horeysay ee Dowlada Mareykanka uu ka soo yeero in ay tageero iyo aqoonsi la garab taagantahay dowlada Soomaaliya. Madaxweynaha ayaa ogu baaqay shacabka soomaaliyeed in ay dalka dib ogu soo noqdaan waxna ka dhisaan, sidoo kale bulshada caalamka ayuu ka codsaday in ay tageero iyo aqoonsi caalami ah iyo dhaqaalo la garab istagaan dowlada cusub.

Maxuu ka yiri Madaxweynaha xariirka u dhaxeeyo dowlada Soomaaliya iyo Ethiopia?

Madaxweynaha soomaaliya mar uu ka hadlaayay xariirka u dhaxeeyo labada dal ayuu sheegay in ay tahay mid aanan wanaagsaneen asaga oo xusay in 600 oo sano ay soo jirtay, taas oo ahayd isnaceeb, dagaal,iyo kale foog jignaan u dhexeeysa labada dal, Mudane Hassan shiekh Mohamud wuxuu yiri “Ma aha wax ay doorteen dadka Soomaaliyeed in ay itoobiya daris la noqdaan Sidoo kale dadka reer Itoobiya ma aysan ku imaan doorasha ay doorteen in ay daris la noqdaan dalka soomaaliya Sidaas darteed waxaanu haysanaa hal fursad oo ah in aan xariir fiican yeelana labada dalba” madaxweynaha ayaa ku booriyay labada dal in ay daris yihiin lagama maarmaana ay tahay in laga shaqeeyo xariirka caalami lana bilaaba bog cusub oo ay ka wada shaqeeyaan dadka reer Soomaaliya iyo Reer Itoobiya wuxuuna xusay in ay taas tiyaar u yihiin dowlad ahaan oo ay daneynayaan kheyraadka iyo dhaqaalaha in ay ka wada faa’iideystaan labada dal oo la bilaaba(Economic Power Relationship). Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday xarirka u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenya ayuu sheegay madaxweynaha in mar uu booqasha ku tagay dalka Kenya uu la kulmay ganacsata badan oo soomaali ah kana shaqeysta dalka Kenya taasina wuxuu tusaala ogu soo qaatay hadal uu yiri Madaxweynaha Uganda oo ahayd in si muuqata uu u yiri ganacsatada Soomaaliyeed waxay hormariyeen dalka Kenya Gaar ahaan Nairobi iyo Dalka South Sudan , Sidaas darteed wuxuu yiri madaxweynaha waxaan rajeynayaa in ay ganacsatadaas dib ogu soo noqdaan dalka oo ay dhisaan asaga oo soo koobay fikirkii ku aadanaa xariirka labada dal balse ay ka muuqatay in dadka.

Khudbada madaxweynaha uu ka joodiyay xaruunta CSIS (Center for Strategic and International Studies) ee magaalada Washington ayaa ahayd mid dadka soomaaliyeed aad usoo jiidata, kana muuqatay daacadnima iyo hogaamin ku dhisan aragti fog iyo cadaalad. Tusaalooyinka uu soo qaatay madaxweynaha waxaa ka mid ahayd hormarka dib u dhiseed ee wadanka ka jiro iyo mashaariicda kale gadisan ee ka bilowday waddanka Soomaaliya.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaayo xili qurba joog badan ay ku qulqulayan wadanka Soomaaliya,waxayna fursad iyo dhiirigelin siineysaa aqoon yahanada Soomaaliyeed ee dunida dacaladeeda ku daadsan in ay dalka dib ogu noqdaan