Jaamac

26.05.2013 13:28

 

 

 

nololeedkii Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib "Diir_Qadhaadh"

 

Taariikh nololeedkii Guddoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaankii
Jamhuuriyadda Soomaaliya 1960kii - 1964tii
Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib "Diir_Qadhaadh"

Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu ku dhashay magaalada Jameeca Weyn ee magaalada Hargeysa ee gobolka W/Galbeed ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1930kii, wuxuuna Quraanka & afka Carabiga ku bartay dugsigii Sh. Haaruun ee magaalada Hargeysa.

Sanadkii 1947dii wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib u dhoofay magaalada Cadan ee dalka Yemen, isla markaana si wanaagsan uu ugu soo bartay afafka Ingiriiska & Carabiga, halkaas oo uu ku noolaa walaalkii Axmed C/llaahi Qaalib oo loo yaqaanay “Gelin”, xubinna ka ahaa guddigii erey bixinta ee markii la qoray afka Soomaaliga.

Sidoo kale Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu sanadku markuu ahaa 1950kii ku tagay magaalada London ee dalka Ingiriiska, wuxuuna dalka dib ugu soo laabtay sanadkii 1956dii ka dib markii uu soo dhameystay waxbarashadiisii, isaga oo isla sanadkaas ka bilaabay magaalada Hargeysa dhaqdhaqaaqyo dhinaca ganacsiga.

Sanadkii 1957dii wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib xubin ka noqday dhaqdhaqaaqii dhinaca siyaasadda ee la oran jiray Somali National League ee marka la soo gaabiyo loo yaqaanay “SNL”. Labo sanadood ka dibna waxaa loo doortay in uu xubin ka noqdo Golihii sharci dejinta ee Somaliland, waxaana laga soo doortay degmada Salaxleey ee gobolka Waqooyi Galbeed ee dalka Soomaaliya.

Intii aanu Somaliland qaadan madaxbannaani Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib oo loo yaqaaanno “Diir Qadhaadh” waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiye ku xigeenkii Golihii Sharci dejinta ee maamulkii maxmiyadda dalka hoos iman jiray dalka Britian, sanadku markuu ahaa 1959kii, ka dib markii ay Somaliland qaadatay madaxbannaanideedii waxaa loo doortay Guddoomiyihii Golihii baarlamaanka ee Somaliland, 26kii bishii June, sanadkii 1960kii.

4 maalmood ka dib markii ay Somaliland qaadatay madaxbannaanideedii, waxaa dhinaca kale xornimo qaatay koofurta dalka Soomaaliya ee hoos iman jiray maxmiyaddii dalka Talyaaniga, isla markaana midoobay 2dii gobol ee Waqooyiga & Koofurta isla markaana sameeyay magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya ama Somali Republic, intaas ka dibna waxaa Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib loo doortay in uu noqdo Guddoomyihii ugu horreeyay ee Golihii Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna xilkaasi hayay illaa laga soo gaaro sanadkii 1964tii.

Sanadkii 1963dii wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib guddoomiye ku xigeen ka noqday ururkii loo yaqaanay SNC ee uu hoggaamin jiray Hon. Sheikh Cali Jimcaale Baraale, isla markaana uu Xoghaye Guud ka ahaa Hon. Max’ed Xaaji Ibraahim Cigaal.

Doorashooyinkii dalka Soomaaliya ka dhacay taariikhdu markii ay aheyd 27dii bishii May, sanadkii 1964tii waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii Golihii baarlamaanka ee dalka Soomaaliya Axmed Sheikh Max’ed Cabsiiye isaga oo xilkaasi kala wareegay Jaamac C/llaahi Qaalib, ka dib markii guddoomiyihii hore doorashooyinkii dhacay dib loogu soo dooran waayay., wuxuuna xilkaasi hayay illaa laga soo gaaro sanadkii 1964tii.

Wixii ka dambeeyay sanadkii 1969kii markii ay talada dalka Soomalaiya la wareegeen ciidamada Qalabka ee dalka Soomaaliya wuxuu Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu ku nool yahay magaalada Lusaka ee dalka Zambia, waqtiga buuggani qormay, halkaas oo uu ku noolaa waqti dheer, kana hayay howlo dhinaca ganacsiga ah, da’diisuna waa 81 jir.