Jaamac
26.05.2013 13:28
Taariikh nololeedkii Guddoomiyihii ugu horreeyay ee baarlamaankii
|
|
Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib wuxuu ku dhashay magaalada Jameeca Weyn ee magaalada Hargeysa ee gobolka W/Galbeed ee dalka Soomaaliya, sanadkii 1930kii, wuxuuna Quraanka & afka Carabiga ku bartay dugsigii Sh. Haaruun ee magaalada Hargeysa.
4 maalmood ka dib markii ay Somaliland qaadatay madaxbannaanideedii, waxaa dhinaca kale xornimo qaatay koofurta dalka Soomaaliya ee hoos iman jiray maxmiyaddii dalka Talyaaniga, isla markaana midoobay 2dii gobol ee Waqooyiga & Koofurta isla markaana sameeyay magaca Jamhuuriyadda Soomaaliya ama Somali Republic, intaas ka dibna waxaa Hon. Jaamac C/llaahi Qaalib loo doortay in uu noqdo Guddoomyihii ugu horreeyay ee Golihii Baarlamaanka ee Jamhuuriyadda Soomaaliya, wuxuuna xilkaasi hayay illaa laga soo gaaro sanadkii 1964tii.