jaawir

07.05.2013 20:38

 

Wafdiga xildhibaanada ah ee maalmahan ku sugan caasimadda dalka Norway ee
Oslo ayaa kulan balaaran maanta la qaatay jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka
Norway.

Kulankan oo ka dhacay magaalada Oslo ayaa waxaa ka soo qeyb galay dad aad u
badan, waxaana sidoo kale goob-joog ahaa wasiir iyo madax ka tirsan dowladda
Norway.

Wafdiga xildhibaanada ah ee uu hogaaminayo gudoomiyaha baarlamaanka ayaa
guubaabo iyo dhiirigelin u jeediyay jaaliyadda, waxaana uu Prof Jawaari oo
markiisii hore ka tirsanaa jaaliyadda reer Norway sheegay in uu ku faraxsan
yahay ku soo laabashada waddankiisa labaad.

DAAWO FILMKA:

Sidoo kale goobta ayaa waxaa khudbad ka jeediyay  wasiirka
(Utviklingsminister) Heikki Eidsvoll Holmås.

Prof. Jawaari ayaa uga mahadceliyay jaaliyadda sida ay ugu soo dhaweeyeen
dalka.

Wafdigan ka socdan baarlamaanka Soomaaliya ayaa u yimid dalka Norway sidii ay
u qaadan lahaayeen koorasyo la xiriirka qaabka ay u wada shaqeeyaan dowladda iyo
baarlamaank.