jaawir 1

26.05.2013 12:47

 

Taariikh nololeedkii Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya,
28 August, 12 Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari"


Xildhiban Publications;- 19 September, 2012. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" waxa uu ku dhashay degmada Afgooye gobolka Shabeellada Hoosee ee dalka Sooaaliya, taariikhdu markii ay aheyd 7dii bishii December, sanadku markuu ahaa 1945tii.

Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu ka soo jeeday qoys ka mid ah qoysaska beeraleyda ah ee ku dhaqan degmadaasi, wuxuu yaraantiisii ka bilaabay degmadaasi barashada quraanka kariimka ah, isaga oo dhinaca kale ka bilaabay deegaankaasi waxbarashada aasaasiga ah ee dugsiyada hoose & dhexe & sareba.

Sanadku markuu ahaa 1982dii ka qalin jabiyay kulliyadda qaanuunka ama
sharciga ee Jaamacaddii Ummadda Soomaaliyeed, Max’ed Sheikh Cusmaan
"Jawaari" wuxuu xilligaas ka horna sida ay ii xaqiijiyeen dad aqoon durugsan
u leh in uu ahaa bare ama macallin, wuxuuna shahaaddo macallinnimo ka
qaatay luqadda Ingiriiska & shahaaddo sharciga Islaamka.

Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu xilal ka soo qabtay dowladdii
madaxweyne Max’ed Siyaad Barre, wuxuuna noqday agaasime Guud, Xohaye
joogto ah & wasiirkii wasaaradaha Gaadiidka Cirka & Dhulka, & waliba
Wasaaraddii Shaqada & Arrimaha Bulshada.

Sanadku markuu ahaa 1970kii wuxuu Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari"
madax ka noqday guddigii diyaariyay sharciga Shaqada & Shaqaalaha ee dalka
Soomaaliya, sharcigan oo looga gol lahaa dib u habeynta meeleynta
shaqaalaha & qiimeynta xirfadleyda Soomaaliyeed, wuxuuna guddigani xeerka
sharciga shaqaalaha Soomaaliya waafajiyay xeerarka xuquuqda shaqaalaha ee
caalamiga ama adduunka.

Burburkii dowladnimo ee Soomaaliya wuxuu Max’ed Sheikh Cusmaan
"Jawaari" ka mid noqday siyaasiyiinta fara ku tiriska ah ee diidday in ay ka
qeybgalaan burburkii dowladnimo ama Qarannimo ee dalkeena Soomaaliya,
wuxuuna wixii ka dambeeyay sanadkii 1991dii ku noolaa dalka Norway, isaga
oo hayay howlo dhinaca arrimaha bulshada ee dalkaasi Norway muddadii
lagu jiray burburkii Soomaaliya.

Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu muddadii u dhaxeysay bishii May,
sanadihii 2008dii – bishii December, sanadkii 2010 ahaa la taliye dhinaca dastuur u sameynta xafiiska Qaramada Midoobay & hey’adda UNDP ee arrimaha dalka ay dagaalladu aafeeyeen ee Soomaaliya, wuxuuna intaasi ka dib noqday Gudd. Guddigii khubarrada Dastuurka ee dib u eegista ku sameynayay dastuurkii Qabyo qoraalka ahaa & diyaarinta & ansixinta dastuurka ay yeelaneyso jamhuuriyadda Soomaaliya mustaqbalka.

Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" waxa uu ku hadlaa luqadaha
Soomaaliga, Carabiga, Ingiriiska, Talyaaniga & Norwegian – wuxuuna taariikhdu
markii ay aheyd 28kii bishii August, sanadkii 2012 loo doortay in uu noqdo afhayeen golaha baarlamaankii ugu horreeyay ee lagu doorto gudaha dalka Soomaaliya, tan & wixii ka dambeeyay burburkii dowladnimo ee dalka
Soomaaliya.

Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" wuxuu noqonayaa mas’uulkii ugu horreeyay
ee loo doorto xilkan wixii ka dambeeyay muddooyinkii uu dalka Soomaaliya ku jiray dowladihii KMG ahaa ee lagu soo kala dhisay dalalka Djibouti & Kenya, muddooyinkaas oo ay ka jirtay baarlamaannadii soo maray Soomaaliya qas baahsan & jahawareer siyaasadeed oo hareeyay hannaankii dowladnimo ee Soomaaliya.

Warreegga 1aad:

1- Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari" 119-cod
2- Prof. Cali Khaliif Galeyr 77-cod
3- Cabdi Xaashi C/llaahi 23-cod
4- C/rashiid Max’ed Xiddig 10-cod
5- Xassan Abshir Faarax 5-cod

Haddaba wareeggii 1aad ee doorashooyinkaasi waxa ay halkaasi xubno ka mid ah tartameyaashii ka tanasuleen wareeggii 2aad waxay cododkii ay heleen ku biiriyeen musharaxii ugu cododka badnaa, waxaana tallaabadaasi qaatay markii ugu horreysay Hon. Cabdi Xaashi C/llaahi & Hon. C/rashiid Max’ed Xiddig halka Hon. Xassan Abshir Faarax uu qaatay go’aan la mid ah kaasi, taasi oo suurtagal ka dhigtay ka dib la tashiyo uu la sameeyay Hon. Prof. Cali Khaliif Galleyr ninkii gadaal ka taagnaa musharaxnimadiisa Hon. Shariif Xassan Sheikh Aaden in uu isaga tanasulo tartankaasi, waxayna guusha halkaasi ku raacday kama dambeystii Hon. Prof. Max’ed Sheikh Cusmaan "Jawaari".

Halka guddoomiye ku xigeenka 1aad-na uu ku guuleystay Jeylaani Nuur Iikar,
halka ku xigeenka 2aad-na u ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad, waxaana
seddaasi mas’uul loo dhaariyay xilalkii loo doortay abbaarihii 10:45 daqiiqo
saacadda magaalada Muqdisho, xilligaas oo aan aniga lafteydu goobjooge ka
ahaa sidii ay u dhaceen doorashooyinkaasi.

Guddoomiyaha cusub ee baarlamaanka Soomaaliya Prof. Max’ed Sheikh
Cusmaan "Jawaari"
& Qaraa sare mahamed ib . afgaay

info@wadaninews.net