mirefle

21.05.2013 09:07

Inkastoo warar hoossaad ah oo soo baxayey Mudooyinkii u dambeeyey ay sheegayeen inuu khilaaf soo kala dhexgaley Xubnaha Maamulka KMG ah ee Gobalka Baay ayaa hadana waxaa is qabqabsiga maamulka Gobalka saxaafada u xaqiijiyey Odayaasha dhaqanka ee ku sugan Magaalada Baydhabo waxaana muranka sida la sheegey uu salka ku hayey arimo ay ka mid yihiin dhaqaalaha Gobalka iyo is qabqabsiyo kale oo xubnaha maamulka dhexdooda ah kaasi oo sida odayaashu ay sheegeen maalmihii u dambeeyey soo jiitamayey.

Odayaasha dhaqanka ayaa waxaa sidoo kale ay sheegeen in markii ay soo baxay isqabqabsigan maamulka dhexdiisa ah ay ku howlanaayeen xalinta muranka soo kala dhexgaley xubnaha Maamulka Gobalka Baay iyo sidii ay u ogaan lahaayeen sabaabta keentey khilaafkooda.

Malaaq Cali C/raxmaan (Shiino) oo ka mid ah Odayaasha dhaqanka ee Xildhibaanada Baarlamaanka Soo xuley waxaa uu Saadaal Media u cadeeyey in labadii maalin uu ugu dambeeyey ay ku howlanaayeen xalinta khilaafaad soo kala dhexgaley xubnahaa Maamulka KMG ah ee Gobalka Baay oo sida uu sheegey ay ku muransanaayeen arimo dhexdooda ah oo dakhliga Gobalka uu ugu horeeyo.

Wuxuu sidoo kale Malaaq Cali Shiino uu sheegey ay ku guuleysteen odayaasha dhaqanka xalinta khilaafkii soo kala dhexgaley Xubnahaa Mamulka Gobalka Baay oo sida uu tilmaamey go’aamadii oadaayasha khilaafkooda ay ka gaareen dhinacyadii muranka u dhaxeeyey ay kuwada qanceen.

Maamulkan KMG ah ee Gobalkan Baay oo bishii labaad ee sanadkan la soo magacaabey islamarkaasina mudadii xiligaasi loo qabtey ee lixda bilood ahaa ay ka harsan tahay oo keliya mudo ku siman laba bilood ayaa khilaafkan waxaa uu noqonayaa kii ugu hareeyey ee saxaafada ay baahiso waxaana xiligan Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay hadal heynteedu ay noqotey khilaafkan Maamulka muda yar u hartey soo kala dhexgaley.

RIIX Halkaan ka dhageyso  AMA KU DHAGAYSO MOBILE