SHIRKII D&M

16.09.2013 10:59

Waxaa maalintii 4-aad socda shirkii wadatashiga dhismaha Dowlad Goboleedka Koonfurta Soomaalia shirarka oo ka socda xaruuuntii hore ee baarlamaakii kumeelgaarka ee magaalada Baydhabo, ayaa maanta waxaa si gaar ah loogu casuumey oo uga soo qaybgaley Ururada dhalinyarada, Sportiga iyo ardeyda iyo weliba ururka haweenka.

Shirka oo ahaa shir wacyigelin ah iyo dood cilmiyeed ah iyo sidii looga gudbi lahaa caqabadaha jira iyo qaabka ugu haboon ee loo dhisi karo maamul goboleed kooban lixda gobol ee koonfureed ayadoo laga khibrad qaadanayo caqabadihii la soo maray.

Shirka oo ay soo qaban qaabiyey Daaladda Jilayaasha aan Dowliga aheyn ee Koonfur-galbeed Soomaaliya (SOWENSA) oo kaashanaya aqoonyahanada goboladakoonfureed.

Furitaanka kadib waxaa labilaabey Barnaamijka Wacyigelinta, iyadoo
halkaas la isku weydaarsadey dood cilmiyeed ku aadan sida ugu haboon ee wax loo dhisan karo.

Ugu danbeyntii waxaa lagu soo gabagabeeyey in dood cilmiyeeda ay
socoto ilaa laga mira dhalinayo iyadoo weliba la sugayo dad muhiim ah oo DM iyo deegaan wadaagta talada wax ku leh ay ka soo gaarayaan
magaalada Baydhabo.

Maalinta berit ah ayaa loo balamey in ganacsatadamCulimada iyo
waxgaradka kale ee jooga Baydhabo ay mar kale shir la isugu yimaado si loo lafaguro arinta dhismaha maamul goboleedka.

DSC00092 DSC00096 DSC00103 DSC00108 DSC00109 DSC00110 DSC00115 DSC00120 DSC00122 DSC00127 DSC00131

DSC00089