Sheekh Masuuliyiin Dawladeed marka xil loo magacaabayo waa la dhaariyaa, mudadii ay hayeen hadii ay dhamaato oo looga maarmi waayo in mudo loo kordhiyo intay doontaba ha ahaatee. Sidaasi dabadeed loogu kordhiyo, ma dhaar danbe ayay u baahan yihiin mise s

21.08.2013 23:32

Shaygan la yidhaah dhaartee ee qofka masuul ka ah la dhaarinayo amaba markhaatiga la dhaarinayo, mashruucba maba ah, masuulka dhaarba laguma lahaba. Masuulka Islaamku waxa uu shardi uga dhigay inuu yahay qof miyir qaba oo aynu uga jeedno inuu yahay qof diin iyo amaano iyo Iimaan leh oo xilkii lagu aamini karo oo Iimaankiisu celinayo. Kol hadii qofkaas Iimaankiisa iyo Cadaaladiisa lagu kalsoonyahay, masuuliyada waa loo dhiibayaa ee loo ma talo saaranayo kitaab uu baalaha gooyo oo uu ku dhaarto.