sheekh muqtaar

26.05.2013 13:30

 

Taariikh nololeedkii Gudd. baarlamaanka
Sh. Muqtaar Max'ed Xussein

 

 

Sheikh Muqtaar Max’ed Xussein wuxuu ku dhashay magaalada Xudur ee gobolka Bakool ee dalka Soomaaliya, wuxuuna si fiican u bartay quraanka kariimka, wuxuuna taas ku muteystay in loo aqoonsado ama loo la siiyo darajada loo yaqaanno “Sheikh”, wuxuuna si aad ah u bartay culuunta diinta Islaamka.

Sheikh Muqtaar Max’ed Xussein wuxuu markii uu qaangaar noqday u suurtagashay in uu ganacsado noqdo isla markaana dukaan ka furtay magaalada Xudur ee gobolka Bakool isaga oo markii dambena bakhaar weyn ka furtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay intii uusan siyaasadda ku soo biirin ka hor.

Waxyar ka dib markii la dhisay Somali Youth Club ee markii dambe isu badellay Somali Youth League ama ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed oo ku beegan horraantii sanadkii 1943dii ayuu ka mid noqday Sheikh Muqtaar Max’ed Xussein, wuxuuna madax ka noqday gobollada koofureed ee Soomaaliya ee la oran jiray Alta Jubba.

Sanadkii 1956dii waxaa loo doortay in uu xubin ka noqdo baarlamaankii ugu horreeyay ee ay yeeshay dalka Soomaaliya ee la oran jiray Somali legislative Assembly isla markaana ay dalka maamulayeen maamulka maxmiyadda ee dalka Talyaaniga ee lagu magacaabi jirayUnited Nations Trusteeship of Italy.

Dowladdii ra’iisul wasaare C/llaahi Ciise Max’ud waxaa loo doortay in uu noqdo wasiir ku xigeenkii wasaaradda caddaaladda & arrimaha diinta.

Mar kale ayaa sanadkii 1959kii dib loogu doortay in uu ka mid noqdo Golihii sharci dejinta ee dalka Soomaaliya intii aan xorriyadda la qaadan ka hor, markii xorriyadda la qaatay ka dibna wuxuu ka mid noqday xubnihii golihii baarlamaankii ugu horreeyay ee jamhuuriyadda Soomaaliya.

Doorashooyinkii dalka ka dhacay sanadkii 1967dii waxaa loo doortay in uu noqdo guddoomiyihii golihii baarlamaanka ee dalka Soomaaliya. 15kii bishii Oktoobar sanadkii 1969kii ka dib markii la dilay madaxweyihii hore ee dalka Soomaaliya Dr. C/rashiid Cali Sharmaarke waxaa uu muddo gaaban noqday madaxweyne KMG ah.

21kii bishii Oktoobar 1969kii markii ay ciidamada qalabka sida afgembi aan dhiig ku daadan kula wareegeen talada dalka waxaa lagu xukumay xabsi guri, dhowr sanadood ka dibna wuxuu dib u helay madaxbannaanidiisii qofeed.

Wixii intaas ka dambeeyay wuxuu bilaabay in uu tacbado beer uu ku lahaa magaalada Afgooye ee gobolka Shabeellada Hoose, wuxuuna haatan ku nool yahay magaalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya, iyadoo cimrigiisana lagu qiyaaso dhowr & sagaashan jir.