SHIRKII SANADLAHA AHAA EE JAALIYADDA DIGILMIRIFLE UK Bristol Oo Laga Soo Saarey Go'aano Adag

21.08.2013 09:27

kulankii sanadle ah oo ay isugu yimaadeen Jaaliyadda DM ee ku nool Wadanka Ingriiska magaaladda Bristol kaas oo looga hadlaayey xaaladda uu wadankeena ku sugan yahay dhinaca Siyaasadda, Nabadgelyadda, Dhaqaalaha iyo Geedi-socodka Dib-u-heshiisiinta, dood dheer iyo falanqeyn ka dib waxay soo saareen baaqan iyo taageero.


1.Siyaasadda Arrimaha Dibada: Jaaliyadda waxay taageereysaa DFS sida hagar la’aanta ah ee ay ugu dadaashey sidii umada Soomaaliyeed Dowladooda aqoonsi buuxa ay uga heli laheyd caalamka taasoo runtiina ay aheyd Sharaf iyo karaamo u soo hoyatey Umadda Soomaaliyeed.
 
2.Siyaasadda Arrimaha Gudaha: Waxaan taageereynaa guud ahaan siyaadda arrimaha gudaha, gaar ahaan siyaasadeeda ay xukuumadu ku dooneyso in dhismaha Maamuladda Degmooyinka iyo Goboladda laga soo bilaabo Tuulo, Degmo, Gobol ka dib dowlad Goboleed.taas uu runtii dadka deegaana ay u arkaan mida keliya ee xaqa u dhow loogana bixi karo Caadaalad darada iyo Dulmiga.
 
3.Waxaan DFS iyo Shacabka Soomaaliyeed ku taageereynaa Mowqifka ay iska taageen arrimaha Jubooyinka kaasoo cadowga ugu dan lahaa in umadda soomaaliyeed marka hore ayaga iyo dowladooda iska horkeeno ka dib uu isticmaalo shakhsiyaad danihiisa guracan u fuliya oo shaar qabiil huwan iftiinkan dowladnimo ee umadda hesheyna meesha uga baxdo. (Soomaliya Soomaali baa leh)
 
4. In maamulka jubooyinka loogu danbeeyo ummada digil iyo mirfle oo deegaanka leh una badan walalaha martida ahna uga dambeeyaan dadka deegaanka u dhashey
 
5.waxaan dowlada ugu baaqeynaa inay wax ka qabato dhibaatooyinkan soo noq noqonaya ee ka dhacaya Gobolka Shabeelaha hoose sida Isbaarooyinka Sharci daradda ah iyo kufsiga iyo dhaca maleeshiyo beelaadyada aan xukuumadda ka tirsaneyn kuna bedeshaa Ciidamadda Qaranka gaar ahaan kuwa deegaanka, dawlada inay gacan buuxda ku siiso inay si deg deg u dhistaan maamulkooda iyada oo dowladana doorkeeda u noqon doonto Fududeyn.
 
6. DFS waxaan Xusuusineynaa mar walba inay ilaaliso hanaanka awood qeybsiga ah ee umadda Soomaaliyeed ku soo heshiisey ayaduna lagu soo dhisey.
 
7.Waxaan odeyaasha Soomaaliyeed gaar ahaan kuwaa DM ugu mahad celineynaa doorkii ay ka soo qaateen iyo dulqaadkii ay muujiyeen soo xulistii Xildhibaanadii Qaranka,ayagoo weliba ay reerahooda mudo dheer ka maqyaaneen sheegeyna inaysan kala tegi doonin ilaa iyo inta maamul xalaal ah ay uga dhisayaan degaanada DM.
 
8.Xildhibaanadda qaranka gaar ahaa kuwa DM waxaa ugu baaqeynaa
 
A)isku duubnaan
 
B)wada shaqeyn dhexdooda ah iyo mida kale ee Xildhibaanada qarankaba ah
 
C)Isu tanaasul,in la muujiyo dulqaad dheeri ah
 
d)iney Kaalin mug leh ka qaataan sidii loo samata bixin lahaa umadda Soomaaliyeed
 
E) inaad u madax baneysaan odeyaasheena dhaqanka aydan ku fara gelin inay si xur ah u soo xuli karaan xubnaha ka qayb gelaya Maamulka degmada iyo kan gobolkaba, qofkii ay soo xulaan hadii uu buuxin karo shuruudaha laga doonayo aad odayaasha ku ixtiraantaan.
 
F) In ay soo xulaan dad aqoonyahano ah oo maamula degmooyinka, gobaldada, iyo golaha waziiradaha, in ay noqon aniga xilibaan ah hadana jagada waziirna aniga noqonaya, in fursad la siiyaan sidii dhalinyarada ka qayb galka horumarka wadanka.
 
G) In Gudoomiyaha baarlamaanka ilaaliyo awood qabsiga jagooyinka dalka oo ah 4.5 or, ilaalinta shirciga dalka, in baarlamaanka soo dedejoyo hanaanka xisbiyada badan si loogu gudbo marxalada hadda lagu jiro oo ah 4.5.
 
 
 
 
 

 
 
H) In Gudoomiyaha iyo xilibaanada baarlamaanka ka shaqeeyaan sidii dib udejinta dadka soo barakacay loogu celin lahaa gobalada ay ka yimaadeen, loona helo qorsho dib loogu dejinayo iyadoo lala kaashanaya deeq bixiyaasha aduunka.
F) Inay kaalin lama ilaawaan ah ka qaataan maamul u sameyta deegaanadda ay ka soo jeedaan ayna metelaan, waana inay iska ilaaliyaan qabyaalada, nin jecleysiga, Mindi mindi ku tag,islaweyni, dano gaar ahaaneed, awooda qaran ee dastuurka ku siiyey oo aad u adeegsato si qaldan iyo IWM.
Ogow xildhibaan waa umada hada aad meteshid berina codkooda aad dooneyso inay ku siiyaan.Waa inaad xil iska saartaa sidii ay ku heli lahaayeen umadaada u ooman inay helaan nabad gelyo, Horumar, Waxbarasho, Caafimaad, Maamul Xalaal ah oo deegaanadooda ka hirgala iyo dowladba.
ALLAA MAHADLEH.
 
Gudoomiyaha jaaliyada DM Uk
ali keero mad deer
info@wadaninews.net