subhaa nalaah

06.05.2013 02:55

 1, Salaadu Waa Shayga Ugu Horeeya Eee Laga Xisaabin Doono Maalinta Qiyaame.Nabiga (csw) Dardarankiisi ugu Danbeyay Wuxuu Ahaa Umadayday Salaada Salada, Mar Hadii Ay Saladenu Hagaagto Camalkeena Kale Oodhan Wuu Hagaagay.

 

2, Hadii aad aragto qof Murugoonayo isku day inaad xaliso adigoo u muujinaayo inaad la qeybsanayso dhibaatada Haysato, Tani waa SADAQO.

3, When You See Someone Sad ! Try To Solve The Problem ! Share Happiness ! This Is (Sadqa) And The Purpose Of Life.

 

4, iskuday walaal inaad noqoto qof wanaagsan, intaada raadin gabar wanaagsan.
miruhu masoo baxaan ilaa ay caleenta kasoo baxdo marka hore
si'aad u hesho gabar u wanaagsan sidii khadiijo (rc)
waa in aad ku dayato nabiga (scw) sidiisoo kalena iska dhigtaa .........♥♥♥

 

5, Walalayaal waalid kena markasta an kudadaalno ina kaducesano xaqoda magudi karno Ilahey ha unaxaristo waridkena siday nogu naxarisan jireen waagan yaryareen Amin janatul firdous ha ugu bishaareyo inta nool iyo inta dhimatey amin amin*" • ♥♥♥ •*"

 

6. Gabar Ayaa Hooyadeeda Weydiisey:-
Hooyo Sidee Nin Wanagsan Ku Hellaa?
Hooyadii ayaa ugu jawaabtay:-
Iska Iloow Nin Wanagsan, ee Ku Fikir Inaad Adiga Wanagsanaatid, Maxaa Yeelay Allaah Ayaa Qur'ankisa Ku Yiri:- (Qofki wanagsan, Qof Wanaagsan Ayuu Helaa). Hadaad Adiga Gabar Wanagsan Noqotidna Allaah balantiisa Kama Baxo, Marka Hooyo Waxba Ha Is Mashquulinin Waa Hubaal Inaa Heleyso Qof wanagsan, Hadaad Raacdo Waddadii uu Allaah Ku Tilmaamay (Dariiqa Toosan), Marka Hooyo Ma Allaah Dooqiisa Mid Ka Wanaagsan oo Aad Raadineysid miyaa Jira?
Gabartii ayaa ugu jawaabta Hooyadeed:-
Hooyo Maya, Allah Dooqiisa Aan Sugaa, Hooyo Rabbi Jannada Hakugu Bishaareeyo Qalbigaad i Dajisaye. Allaahu Akbar.

 

7, Waligaa Ha Niyad Jabin Xaalad Kasta Oo Kula Soo Gudboonata Hana ka Quusan Rabigaaga Naxariistiisa Hana ka Murugoon Wax Ku Soo Maray Hana ka Shalaynin Maxa yeelay Waxa Laga Yaaba Wixi Ku soo Maray Wax Ka Khayr Badan Allah Inuu Kuugu Badalo Insha Allah

 


8, Ha Noqon Qofka Dadka Ugu Bakhiilsan

Bakhiil Nimada Ma Ahan Qofka Bakhiila Maalkisa

Bakhiilnimada Dhabta Wa Qofka Maqla Ayadoo Nabiga SCW Lagu Salinaayo Kuna Salin Waayo ( Ku Saliya Nabiga )

 

9. Jaceylkeena Waa In Aan Kuwada Riyoono In Aan Janada Kuwada Noolano Ee Maahan Mid Naga Kaafin Karo In Aan Dunida Kaliya Kuwada Noolaano!!!

 

10, Ina Mal Muminiina Ikhwa!!!

Umadda Islaamka Ah Meel Walibo Waa Kuwa Isku garab Taagan Mana Jirto Qaarad Iyo Wadan Hebel....

 

11, Hadaad Jeceshahay inay Dadku Ku Qiimeeyaan Adigu Marka Hore Dadka Qimeey:♥♥♥

 

12, Maxaa Ka Wanaagsan Inaa Guursato Qof Kuu Balan Qaado
Inoo Kuu Kacsho Salaada Subaxdi??:-)

 

13, Dadka Waxa Ugu Wanagsan Uguna Aqliga Badan Qofka Garta Waxa Allah Swt u Abuurey..♥♥♥

 

14, Qiso Dhab ah ::: Gabar Kuriyooneysay In Uu Shiiq Sudeeysa Uu Qu’raanka Kariimka Ka Dhageesto Oo Usuuro Gashay....Gabadhaan yar ee Jazaa’riyada ah ayaa ka oohsiisay Sheekh Sudeysi kadib markii ay ku Dul aqrisay Qur’aanka Kariimka ah asaga oo Gurigiisa jooga. Joornaal ka soo baxay Wadanka Jazaa’ir ayaa qoray, Gabar Jazaa’iriyad ah (8sano Jir) Magaceedana lagu sheegay Safaa in uu u dhaboobay Riyadeed...a,midaas oo aheyd in ay la kulanto inta ay nooshahay Sheekh Sudeys uuna ka dhageysto Qur’aanka Kariimka!!!!!, inbadana ayay waalidkeeda ka dalabtay in ay u dhabeeyaan Riyadeeda, balse Waalidkeeda ayaa waxay ula muuqatay fulinta arintaas in ay tahay arin aad u adag duruuf darteed.
Mudo kadib sida ay waalidkeeda ugu oranayeen waa balan in aan kuu xaqiijino Riyadaada wax suurgal noqodayna aysan u jeedin, waxay bilowday in ay tiraahdo Hooyadeey waxaad ii sheegeysaa Been, waxay kaloo bilowday in diido in ay aqriso Quraankii,ugu dambeyntii waxay arintaan ku noqotay Jiro iyo

 

15, SUBHAANALLAAH (QAARU XIRAA )
waa Godkii Waxyiga uu ku soo dagay oo loogu Waxyooday Nabi Maxamed NNKH , wa meeshii ugu horreysay ee quraanku kusoo dago , walaal hadii aad jeceshahay maalin inaad booqatid share garee oo walaalaha muslimka ah ee iyagana niyada ku haya hakula arkaan gaarsii

 

16. ILAAHOOW DEMBIGEENA IYO DEMBIGII WAALIDKEENA CAFI, ILAAHOOW LABADEENA WAALID JANNADA UGU BISHAAREEY, ILAAHOOW NAXARIISTAADA ADDUUN IYO MIDDA AAKHIROBA NA SII, YAA RABBI, YAA ALLAAAAAAAAAAAAAAAH.

 

17. Rasuulkeena CSW, wuxuu yiri:- Qofkii Qubeysta Maalinka Jumcada ah, kadibna ku Kalaha Masjidka isagoo Lugaynaya oo aan Baabuur Fuulin, kadibna markuu Masjidka Tago ka Ag Dhawaada Imaamka, isla markaana Aamusana, oo Dhageysta Qudbada, wuxuu leeyahay Tilaabo walba ee uu Qaado, laga soo Bilaabo Guriga ilaa Masjidka uu ka Tago, Ajar La'eg Qof Cibaadaysanayay Sannad kaamil ah, Cibaadadaas oo iskugu jira... Soon iyo Salaad iyo Ku Salin Nabiga CSW.
Ku Salinta Nabiga CSW waxay ka mid tahay Cibaadooyinka Allaah Agtiisa kuwa loogu Jecelyahay, Qofkii Nabiga CSW, Hal mar ku Saliyaana Allaah ayaa 10 mar ku Saliya.
Haddaba, walaalayaal aan ku Dadaalno, inaan Badino Salliga Nabiga CSW, qaasatay Habeenka Jimcaha, oo Nabiga CSW yiri:- Habeenka Jimcaha Qofkii igu Salliya waa ley soo Gudibaa.

 


18. HOOYADII SOOMAALIYEED WAXAA LOOGU ABAALGUDAY GAAJO, KUFSI, DIL IYO NAXARIIS LA AAN WAXAAD SAWIRKAN KA ARKEYSAA IYADOO ILMO SIDDA GAAJANA GURIGEEDII UGA TIMID BAA HADDANA BASTOOLAD SANKA LAGA GELINIYAA OO HADDII LA ROBO HALKAAS LAGU DILAYAA ILAAHOOW UGAR GAAR:(

 

19, QISO CAJIIBA
Haweenay caan ah oo cir bixiyeen ah oo u dhalatay dalka MaraykanA, asal ahaana ka soo jeeda dalka India, ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday in ay soo Islaamtay.

20, Gabadhan Cir biyeenka ah oo lagu magacaabo Sunita Williams, kana tirsan NASA, ayaa daboolka ka qaaday in go’aankan caaqiibada leh ee ay qaadatay in ay gaadhay ka dib markii ay si dhab ah oo aan shaki ku jirin ay u xaqiiqsatay i...n Diinta suuban ee Islaamku ay tahay mid jiritaankeeda aanu wax madmadaw ahi saarnayn, oo ay tahay diinta kaliya ee ay ku jirto liibaanta aduunyada iyo ta aakhiraba.
Cirbiyeenadani waxa ay ka dhawaajisay in go’aankan mustaqbalka leh ay qaadatay isla markii ay si nabadgelyo uga soo noqotay dhulka safar dheer oo qaatay 197 maalmood oo ay ku tagtay dayaxa dushiisa iyada iyo Afar cir bixiyeen oo la socday
Haweenaydan oo warbaahinta uga waramaysay go’aankeedan ayaa tidhi "Ilaahaybaa mahad leh oo khaatimada ii waafajiyay, markii aan dayaxa dul joogay waxaan Telescope, waynayso ah ku soo eegay dhulka, oo dhamaantii midabkiisu madaw ahaa, marka laga reebo Laba meelood (Dhibcood), oo barakaysan oo mucjiso ahaa oo aad iyo aad u nuurayay una iftiimaayay oo kala ahaa MAKKAH iyo MADINA. Oo ku yaala dalka Saudi Arabia".
Waxa kale oo ay tidhi "Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadaydu, Markii aan dayaxa dul

Waxa kale oo ay tidhi "Maaha wax muran ku jiro Islaamnimadaydu, Markii aan dayaxa dul joogay haba yaraatee, wax jabaq iyo cod ah maan maqlayn marka laga reebo dhawaaqa codka EEDAANKA, lagu adimo shanta salaadood ee ay waajibisay diinta Islaamka"

 

21, Qof Walba Oo Like Sara Ilaaah Ha U Kaso Inoo Xaramka Ka Shaqeeyo♥♥♥♥

22, ♥One of the Best Job Hit Like Hadaa Igu Raacsan Tahay
And Say Allaahu Akbaar♥♥

 

23, QISO CAJIIB AH.

Anas waxa uu ahaa Wiil aad u da'yar ah Salaadaha Jameecadana ku Da'daala gaar ahaan Safka hore ee Salaada in uu ku Tukado.
Imaamikii ...Masaajidka ayaa waxa uu Dareemay Anas in marka uu Aamiin Oranayo Salaada inuu Codkiisa meesha ugu Dambeysa uu Gaarsiiyo, taas oo keentay in mar marka qaar in Codkiisa laga Maqlo Banaanka Masjidka, wuxuu Damcay Imaamkii inuu uga Naseexayo waxa uu S...uubinayo Anas si uu Codkiisa hoos ugu Dhigo, maxuuse ugu jawaabay Anas Naseexadii Imaamka?



24, Anas baa yiri:- Imaam waan Ogahay waxa aan Suubinayo inay Qalad tahay, balse Sababta aan u Suubinayo waxay tahay Aabahay ma Tukado, Talana igama Qaadanayo, sidaas darteed waxaan Rabaa si uu u Maqlo Codkayga, Qalbigiisana uu u Jilco Rabina uu u soo Laabto.

 

25. Saaxiib Iyo Sokeeye Waxa Ugu Wanagsan Quraanka Kareemka Ah Kalaamka Ah Waana Midka Ugu Wanagsan Oo Lala Saaxiibo Saaxiibkiisna Wuu Libana Mooye Ma Qasaaro
Masha Allaah

 

26. Xaq Miyee Uleeyihiin Inee Ilmeyaan Hooyooyinkeena?:(
Fadlan Hadii Aad Aragto hooyo soomaaliyeed:(
ilaahooow hooyooyinkeena dhibka ka qaad
ilahooow hooyooyinkeena unaxariiso:( plz say amiin amiiin amiin

 

27, JIMMCO WANAAGSAN TOLKEEY MEEL WALBOO JOGTAAN
Soo Dhawaada Hala Buneesto Cawa Lkn Ha Bixin Adigoon
Qulwalle Aqrin:)))

 

28, ILAAHOOW WAALIDKEENA U NAXARIISO, SIDII AY YARAANTEENA AY INOOGU SOO NAXARIISTEEN

 

29, walaalayaal maadaama aan ku Walaalowney Diinta Islamka Iyo Fidinteeda Masha allaah
Dheh Fadlan Masha Allaaah
Like..Comments And Share.. !!!

 

 

30, QISO CAJIIB AH.

Masjid Ku Yaalo Dalka Fransiiska Ayaa Waxaa Yimid Wiil Cadaan Ah, Wuxuu u Yimid Imaamkii Masaajidka, Wuxuuna Ku Yiri:- Waxaan Rabaa Inaan Caruurta Muslimiinta Aan Wax La Barto!!, Imaamkii Ayaa Wuxuu Weydiiyey Aaway Waalidkaa? Cunugii Yaraa Ayaa Yiri Hooyadey Ayaa Ila Socoto Banaanka Ayay Taagantahay! Maadama Aysan Muslim eheen! Masjidka Ma soo Galin! Imaamkii Ayaa U soo baxay Ban...aanka Wuxuu La Hadlay Islaantii, Wuxuuna Weydiiyey Sababta Ay Cunugeeda Masaajidka u Keentey? Isalaantii ayaa Waxay Tiri:- Waxaan Leeyahay Deris Muslimiin Ah Caruurta Waalidkooda Mar Walba Gacanta Ayay ka Shumiyaan, Farxad ayaa ka Muuqato, Sidoo Kale Ma Arkin Muslim Waalidkiisa Ku Xareeyey Meelaha Dadka Waayeeladaa Geeyo, Ee Imaamow Cunugaan Wax ii Bar laga Yaabee in Sidii Caruurtiina oo Kale inuu Noqdo oo Uusan Igu Tuurin Meesha Waayeelada Lagu Xareeyo Markaan Duqoobo.

الا سلام دين الر حمه، الحمد الله علي نعمة الا سلام..

(ILAAHOOW DIINTAADA U GAR-GAAR, YAA RABBI).

 

 

31, Nin heer sare ciidanka ka gaaray dalka Mareykanka ayaa loo soo bandhigay muuqaalka Masjidka Xaramka ka hor intaan Salaada la gelin, balse la adimay.
Waxaa la weydiiyey imisa saacadood ayey u baahan yihiin dadkaan inay safaf toosan oo habeysan galaan?
Markaas ayuu ku jawaabay 3 ilaa 4 saacadood inay u baahan yihiin.
markaas ayaa hadana la yiri Afar dhinac ayey uga soo kala jeesanayaan Kacbada oo h...al dhinac uma wada jeesanayaan. Markaasuu yiri, hadaba 12 saacadood ku dhowaad. hadana waxaa la yiri isku luqad maahan dadka Xaramka isugu yimid. Markaasuu ku jawaabay, Suura gal maahan hadaba. Markaas ayuu Shiikh Abdurahman Al-sudeysi oo tujinayey yiri Istawuu oo macneheedu yahay istoosiya ama sinta, Hal daqiiqo kadib safaf wareegsan oo nidaamsan ayaa Muslimiinti ku tukaneysay Masjidka Barakeysan ee Xaramka ay safteen iyagoo afarta dhinac ugu soo wada jeeda Kacbada.
Ninkii arinkaa darteed ayuu ku islaamay, waayoo wuxuu arinkaasi ku tusinayaa in diinteenu tahay diin nidaam
Allaahu Akbaaaar

 

 

32, Gabar waa Hooyadeed.....masha allaah hooyo is asturtay gabadhedana asturtay mashaa allah aan wada dhahno masha allaah♥

 

 

33, Dadka Qaarkiis Ilmahooda ma Canaantaan hadii ay aadi wayaan Masaajidka..Balse hadii ay Aadi wayaan Iskuulka aad bay u Canaantaan...
Soo layaab ma aha !! !!

 

34, WalaaL.Ka Tag Malaha iyo Shakiga Waa Cudur xun

Ha Maleen in Dadka Adiga Wax Kaa Shegayaan Hamaleen in aad Xuntahay
Ha Shakin Shakiga Waa Bur Buriyaha Nolasha :
Shakiga Waa Cudur Halis Ah Oo Qalbigaga Dhawac U Gaeysan Kara Qalbi Kalana Dhaawac U Geysan Kara Walaalkeygiyow ama walaasheydiyeey Taladaan iga Qaado. haisku maleeynin in magaaladu kaliga farta kugu soo fiiqeyso qalbigada nafiid ka dhigo !!!!!!!

 


35, Jooga guryihiinna (dumarka muslimka ahoow, oo waxaan dan weyn ahayn ha u bixina) oo ha u muujinnina quruxda iyo bilicdiinna ( intii la banneeyey inaad u muujin kartaan maahee) oo ha ku dayannina dumarka jaahilka ah ee jirkooda u muujiya ( ragga gayaankooda ah ), Daa’imana dumarka muslimka ahoow oogida salaadda oo bixiya sakada, addeecana oo maqla Alle iyo rasuulkiisa oo waxay idin fareen maqla, waxay idinka reebeenna ka reebtooma, xusana oo barta waxa guryihiinna Aayado Alle iyo xigmad lagu akhriyaayo.Ilaahayna waa wax walba oge Xeeldheer". (Suurada:Al-Axaab;Aayada:34).