sudan

15.09.2013 14:49

 Aqoonyahada koonfurgalbeed Soomaliya Ee Suudaan Oo taageerey Dowlad Goboledka Cusub Ee Lafilayo In Lagu Dhiso Baydhabo ( Sawirro iyo warbixin) .:  Sep 10, 2013

Waxaa  xalay caasimada suudaan ee khartoum lagu qabtay xaflad si heer sare ah loo soo agaasimay laguna taageeyraayey  go’aankii odayaasha  Digil &Mirifle  ay kaqaateen dowlada soomaliya .

Waxaa si aad ah usoo buux dhaafiyey hollka  xaflada lagu qabtay  shacabka smaaliyeed ee  kunool caasimada sudan ee khartuum  waxayna  isug jireen dadka kasoo qeybgalay  ,madaxda  midowga ardayda somaliyeed  ,madax kasoctay jaalliyada soomaliya , saxafiyiin caanku ah magalada  khartoum  ,aqoonyahano magacweyn leh    iyo dhamaan madaxda ururada kala   duwan ee  kadhisan suudaan .

Xaflada oo si aad ah ugu duwaneyd xafladihii lagu qaban jirey magaalada khartuum  ayaa si aad ah ay ugu riyaaqeen dadkii kasoo qeyb galay xaflada   qaabka ay usoctay oo ahaa qaab si weyn ay ugu soo shaqeyeen  ururka ardayda konfurgalbeed soomaliya iyo gudi loo xilasay isku soo dubaridka xafladan .

 

Aqoonyahada kasoo jeeda koonfurgalbeed soomaliya waxay si aad ah ugu soo hore jeesteen  heshiiskii ay wadagaleen  dowlada soomaaliya  iyo jabhada raaskabooni oo uu hogaamiyo  axmed boobland  .

Labada dhinac  ee heshiiska wadagalay waxay qaladka  weyn kagaleen shacabka dega gobolada koonfurgalbeed soomaliya .

Muhimada loo qabtay xaflada

1)waxay si aad ah utaagyeerayaan go’aankii malaqyada D&M ee ay kaqaateen dowlada soomaliya oo ballanta ugu baxda  malayaqada kasoo jeeda koonfur galbeed ee soomaliya.

2) waxay si aad ah ugu soo  horjeedaan aqoonayahada D&M ee suudaan   heshiisa ay kuwada gaareen axmed boobland iyo xasan garguurte ee adis ababa ee itoobiya  .

3)aqoonyahada waxay  odayasha ay kula talinayaan in aysan marnaba aan katanaasulin waxkasta oo danta shacabka iyo dhulka koonfurgalbeed kujirto kuna dadaalaan in ay hormariyaan lexda gobol ay degaan Digil iyo mirifle.

4)In qoonyahada D&M ee kunool sudan markasta ay la garab istaganyihiin hiil iyo hoo .

Intaas kadib Waxaa mesha hadalo ka soo jeediyey masuuliyiin iyo siyaasiyiin oo ay kamid yihiin  Aadan abdi sanayey , oo kasocday madaxda jaaliya soomaliya ,cadbwali fadiilatu oo ah gadoomiyaha jimciyada wacyi gelinta dhaliyada ,ibraahim xaaji daahir oo ah siyaasi rugcadaa siweyn loogu yaqaano  khartuum , dhanka saxafiyiinta Caadil Xaaji Cabdi  oo si weyn looga yqaano bahda saxaafada ,dhamaantooda waxay si aad ah kuwa simanaayeen in ay dowlada heshaka ku qaldantay  .

Ugu danbeentii xaflada waxay kusoo dhamaatey jawi her sare   ah iyo waqtigii loogu talagay.