tacasiyada

15.06.2013 13:04

Muqdisho(wadaninews.net) Waxaa saaka aroortii laga soo dejiyay gegida diyaaradaha caalamiga ee Adan Cade airport ee magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya,meydka Marxuum halyeeyga Soomaaliyeed Dr,Xasan Maxamed Nuur Ibraahin ee kumagacdheeraa Col, Shaatigaduud oo maalmo ka hor kugeeriyooday Dalka Jarmalka isagoo in mudaba halkaasi ujoogay howlo caafimaad.

Marxuumka ayaa gigida diyaaradaha ee Adan Cade loogu dugtay salaadii janaazada iyadoo soo dhaweynta meydka marxuumka kasoo qeyb galeen masuuliyiinta ugu sareeysa dowlada uu hogaaminayay Madaxweyne xasan Sheekh & masuuliyiin farabadan oo isugu jiro Wasiiro Iyo xildhibaano.

Salaada Janaazada kadib ayaa meyd halyeey Shaatigaduud ayaa looqaaday magalaada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay oo ah meesha uu kudhashay marxuumka marwalbana uu ku hamin jiray in lagu aaso haduu geeriyoodo halkaasi manta ayey noqotay maalintii marxuumka wuxuu ku hamin jiray ama riyadiisa loorumeyn lahaa Alalaha naxriista janada haka waraabiyo.

shaati shaati1 shaati2 shaati3 shaati4 shaati5 shaati6 shaati8 shaati9 shaati10 shaati11 shaati12 shaati13 shaati12 shaati13