Dhageyso:-Al-Amriiki iyo Al-Britani oo lagu dilay Gobolka Baay Posted by Mohamed on Sep 13th, 2013

Labo ka mid ahaa hor-joogayaasha shisheeye ee kooxda Al-Shabaab ayaa lagu dilay gudaha Soomaaliya kaddib markii ay isku dhaceen hor-joogaha ugu weyn Al-Shabaab, Axmed Cabdi Godane.

Omar Hammami oo sidoo kale loo yaqaanno Abu Mansur Al-Amriki oo Mareykan ah iyo Osama al-Britani oo British ah ayaa la sheegay in aroortii hore ee saaka ay ku dhinteen dagaal ka dhacay tuulo lagu magacaabo Xabaal-been oo u dhow degmada Diinsoor ee gobolka Baay, sida BBC-da ay u xaqiijiyeen dad goob-joogayaal ahaa.

Labada nin ee la dilay ayaa tan iyo horraantii sanadkan ku jiray dhuumaaleysi iyagoo naftooda kala baqayay maleeshiyada Axmed Cabdi Godane oo si aad ah u doondooneysay.

Dhowr jeer oo hore ayay warbaahinta gudaha tebisay in la dilay Al-Amriki, walow wararkaasi aaney noqon kuwa sax ah.

Mid ka mid ah dagaalyahannada Al-Amriiki ayaa sheegay in looga adkaaday dagaal maleeshiyada Axmed Cabdi Godane ay saaka ku qaadday tuulo ay ku sugnaayeen oo u dhow Diinsoor.

Wuxuu sheegay in maleeshiyada Godane ay horey u sii qaadatay maydadka Al-Amriiki iyo Al-Britani.

Shisheeye kale oo lagu magacaabo Khadap al-Masari oo ka soo jeeda dalka Masar ayaa isku dhiibay maleeshiyada Godane, sida uu sheegay dagaalyahanka.

Dadka deegaanka ayaa sidoo kale xaqiijiyay dhimashadooda.

Al-Amriiki iyo Al-Britani waxay xulafo la ahaayeen Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ka go’ay Al-Shabaab bishii June, isagoo haatan ku jira xabsi ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya.

Al-Britani oo haystay dhalasho British ah balse asal ahaan ka soo jeeday Pakistan ayaa la rumeysan yahay inuu u dagaallamay Al-Qaacidda iyo Taliban. Mareykanka ayaa ku eedeeyay inuu ku lug lahaa weerar ismidaamin ah oo ka dhacay Afghanistan kaas oo lagu dilay toddobo askari oo ka tirsanaa hay’adda sirkdoonka ee Mareykanka ee CIA.

 

Maleeshiyada garabka Axmed Godane ayaa horey u dishay Ibraahim Xaaji Jaamac (Al-Afghan) iyo Cabdixamiid Xaashi oo loo yaqaannay Macallin Burhaan oo labaduba ka mid ahaa hor-joogayaasha sare ee Al-Shabaab.