Ardada DM Ee Masar Oo Doortey Hogaan Cusub+ Sawiro 2 Friday October 18, 2013

Ardada DM Ee Masar Oo Doortey Hogaan Cusub+ Sawiro 2 Friday October 18, 2013
 

Isku xirnaanta iyo iska     warqabka ka dhaxeysa ardeyda D&M ee wax ka barata wadanka Masar ayaa sanad waliba bilawgiisa waxey doortaan gudiyada Fulinta iyo Shuurada kuwaasoo ka war haaya dhamaan ardeyda D&M ee wax ka barata jaamacadaha Masar.

Sanadkaan ayaa doorashada ka duwaneet sanadihii lasoo dhaafay, ayadoo ardeyda gudoomiye u doorteen Mudane Cabduqaadir Sheekh Abuukar Axmed isagoo ay wada tartamayeen Musharaxa Muqtaar Maxamed Daahir.

Waxaa goob joog ka ahaa halka doorashada ka dhaceysey gudoomiyaha jaaliyada Ururka D&M Cali Carab iyo gudoomiyaha jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Masar A/raxmaan Samow iyo Aqoonyahano .

Nidaamka iyo kala danbeyta ayaa waxaa gacanta ku haayey gudi loogu talagalay.

Xaflada ayaa guud ahaan waxey ku dhacdey jawi degan oo aan ka dhalan wax rabshado taasoo mudan in lagu daydo, ugu danbeyta musharaxii laga guuleystey iyo weliba gudoomiyaha cusub Mudane Cabduqaadirwaxeyna labaduba sheegen iney ku faraxsan yihiin natiijada isla markaana ay ku dhacdey cadaalad, waxeyna balan qaadeen iney wada shaqeyn doonaan.

Inkastoo Musharaxa waayay in uu ku guuleysto xilka gudoomiyaha ayaa waxa uu fursad uhelay in uu xubin uuka noqdo gudiga shuurada.

Ugu danbeyn gudoomiyaha cusub Mudane Cabduqaadir Sheekh Abuukar u mahad celiyey inta u codeysey iyo waliba inta aanan u codeynin wuxuuna balan qaadey inuu fulin doono balan qaadyadii uu soo bandhigey xiligii uu soo jeedinayey qudbadiisa ku aadaneyd wax qabadka mustaqbal-ka wuxuuna ka codsadey ardeyda dooratey iney la shaqeeyaan dhamaantooda.

 Gudoomiyaha Cusub  Cabdulqaadir Sheekh