Arsenal Oo ay u dhameysay Marseille waqti Napoli Ay Dharbaaxo la gaartey 10 Ciyaaryahan Oo Dortmund Ah. 19.09.2013

Arsenal Oo ay u dhameysay Marseille waqti  Napoli Ay Dharbaaxo la gaartey 10 Ciyaaryahan Oo Dortmund Ah.  19.09.2013

Arsenal ayaa guul ku bilaabatay tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan ka dib markii ay 2-1 kaga takhaluseen kooxda Marseille oo ay marti u ahaayeen iyadoo Ramsey uu mar kale shabaqa soo taabtay. Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa aheyd mid aan la abuurin fursado badan oo goolal loo filan karay, iyadoo Marsielle ay awood la soo baxday qeybihii danbe ee qeybta hore ee ciyaarta, ayagoo labda kooxood ay iska lumiyeen dhowr fursadood oo qaali ah,   Waxaana ay fursad fiican heshay daqiiqadii 40aad markii kooner ay soo tuurteen Marseille uu madax la helay Gignac waxaana ay kubada si ciriiri ah ku dulmartay goolka, waxaan ay aheyd fursadii ugu fiicneyd ee qeybta hore, cayaarta qaybteeda hore waxay ku dhamaatey barbardhac , ka dib ayaa waxay u soo sameeyan la tashi labada kooxoodba macalimiintooda oo ay kulumo la soo qaateyn, Fanni ayaa fursad fiican ay soo martay ka dib kubad uu ka soo shaqeeyay Valbuena, iyadoo Arsenal ay kaga jawaabtay fursad uu bilaabay Ozil kaasoo kubad u dhigay Gibbs oo isna kubad kaga naxsaday Mandanda oo ugu danbeyn kubada gacmaha ku dhigey,Arsenal ayaana hogaanka ciyaarta qabatay daqiiqadii 64aad markii karoos uu soo dhigay Gibbs uu Morel damcay inuu madax ku bixiyo laakiin waxa uu kubad toos ugu geeyay Walcott kaasoo isna aan ka daahin inuu kubada shabaqa taabsiiyey,kooxda arsenel ayaa hogaanka u qabatey cayaarta , waa kululaatey cayaarta isbadal ayaa bilowdey oo ah qaab cayaareedkooda Aron remsay oo kacsan sanadahaan danbe ayaa waxuu la soo baxey xirfad cayaareedkiisa, ka dib asigoo la soo dhafey daafaca kubadana daba marsiiyey goolhayaha Mandanda,Ayew ayaana gool u soo celiyay dhamaadkii ciyaarta kooxda Marseille, iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda Arsenal,Ayew ayaana gool u soo celiyay dhamaadkii ciyaarta kooxda Marseille, iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-1 oo ay ku badisay kooxda Arsenal Dhanka Kale Napoli ayaa guul ku bilaabatay group-ka dhimashada ka dib markii ay 2-1 kaga badiyeen 10 ciyaaryahan oo Dortmund ah ciyaar xiiso leh oo labada kooxood dhex martay. Napoli ayaa ciyaarta hogaanka u qabatay daqiiqadii 28aad markii karoos fiican oo ka yimid Zuniga uu madax ku dhaliyay Higuain, kaasoo gool kula dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay ee Champions League uu u ciyaaro Napoli.macalinka kooxda dortmund  ayaa waxuu qaatey calaamada gaduudka waxaana laga saarey garoonka,waxaa kaloo qaatey calaamada gaduudka goolhaye dortmund  cayaarta waa sii kululaatey waxaa dardar la soo baxdey kooxda Napoli oo ka faaideysanaysa macalinka dortmund iyo goolhayeha oo calaamada gaduudka ka qaatey,Napoli ayaana hogaanka dheereysatay daqiiqadii 70aad ee ciyaarta markii da’ yarka Talyaaniga Insigne uu laad xor ah meel kore ka geliyay shabaqa, waxaana uu goolkaas kula dabaaldegay kulankiisii ugu horeysay abid ee Champions League.Goolka uu dhamaadkii ciyaarta iska dhaliyay Zuniga ayaana hal gool u soo celisay kooxda Borussia Dortmund iyadoo ciyaarta ay ku dhamaatay 2-1 oo ay kooxda Rafa Benitez guusha ku  raacdey