Dhagayso+Sawiro:-Banaanbax lagu so dhaweynayeey Maamulka Konfur Galbeed oo kadhacay Baydhabo Sep 24, 2013

Dhagayso+Sawiro:-Banaanbax lagu so dhaweynayeey Maamulka Konfur Galbeed oo kadhacay Baydhabo   Sep 24, 2013

Magaalada Baydhabo Xarunta Gobalka Baay, maanta waxaa ka dhacay banaanbax ballaaran oo ay dhigeen Odayaasha dhaqanka Digil iyo Mirifle iyo qaar kamid ah shacabka ku nool Magaalada Baydhabo.

Ujeedka banaanbaxan ayaa wuxuu ahaa sidii loo taageeri lahaa go’aanka Odayaasha Dhaqanka Digil iyo Mirifle ay ku gaareen maalmo kahor Magaalada Baydhabo, kaasi oo ahaa inay sameystaan maamul ka arimiya Gobalada Koonfurta dalka Soomaaliya.

Suldaan Shariif Cali Xasan oo kamid ah odayaasha Digil iyo Mirifle ayaa Risaala usheegay in banaanbaxa si wanaagsan uu uga dhacay Magaalada Baydhabo, Dadkii kasoo qeybgalayna ay muujiyeen taageerada go’aanka Odayaasha Digil iyo Mirifle.

Shir maalmo ka socday Magaalada Baydhabo ee xarunta Gobalka Baay, ayaa ugu dambeyn laga soo saaray go’aano ku aadan in Odayaasha Digil iyo Mirifle ay sameysan karaan maamul.

Qaar kamid ah qodobadii laga soo saaray shirkii Baydhab ayaa sidan uqornaa.

1.In si buuxda loo taageero midnimada qaranka habsami u federaaleynta dalka iyo difaaca gobannimada Dastuuriga ah ee Dawladda Federaalka Soomaaliya.

2. In la dhiso Dawlad Goboleed ka kooban lixda Gobol kuwaasoo kala ah: Shabeellada Hoose, Baay, Bakool, Gedo, Jubbada Dhexe iyo Jubbada Hoose. sida ugu dhaqsiyaha badana loo dar-dar galiyo dhisida Dawlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

3. In heshiiska Xukuumada Federaalka Soomaaliya ay la gashay Ergadda kasocotay Kismaayo ee ay kula gashay magaalada Addis Ababa bishii Agoosto 27, 2013 uu yahay mid aan marnaba la aqbali Karin, kaas oo ah mid aan waafaqsaneyn Dastuurka iyo Shuruucda Dawladda Federaalka ee Soomaaliya, isla markaana Xuquuq-duudsi bareer ku ah Shacbiga Deegaanada Gobolada Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe iyo Gedo. Saa daraadeedna si toos ah loo diido Xukuumaddana lagula taliyo in ay dib
ugu fiirsato.

4. In beesha Caalamka iyo Dowldaha deriska ah ee goobjooga ka ahaa gorgortanka heshiiskan kor ku xusan waxaa laga codsanayaa iney fiiro gaar ah u yeeshaan baaqa Qowmiyadan iyo iney dib-u-eegis ugu noqdaan heshiiskan oo aan ka turjumeynin xuquuqda Dadka deegaanka.

5. In Odayaasha dhaqanka iyo xildhibaanada qaran iyagoo kaashanaaya Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Ururada Bulshada rayidka ah, Shacbiga deegaanka guud ahaan inay dedijiyaan hirgelinta dhisida Maamullada heer Degmo, heer Gobol iyo hirgilinta maamuuska gogosha ka fidsan magaalada Baydhabo oo loogu gol leeyahay dhisida Dawlad Gobolleeda 6-da Gobol ee Koofur Galbeed ee Soomaaliya;

 

20060102010902 20060102011012