Biikole Oo Iskoolka Salaaxudiin Amar Kusiiyey In Laga Guurey 0 Saturday October 19, 2013

Biikole Oo Iskoolka Salaaxudiin Amar Kusiiyey In Laga Guurey 0 Saturday October 19, 2013

Masuuliyiinta Dugsiga H/DH iyo Sare ee SALAXUDIIN ayaa maanta kulan balaaran oo ay isagu yereen waladiinta ardada waxkabarata Dugsiga Salaxudiin iyo qaar ka mid ah Ururada Bulshada Rayidka .

Kulanka oo ka hadley M/mulaha Dugsiga Salaxudiin Maclin Axmed Cabdow Daa’if wuxuuna kasoo qayb galayaasha kulanka u sheegey in qaar ka tirsan odey dhaqameedyada iyo Gudomiye Bikole amar igu siyeen in aan ardada ka raro iskuulka Salaxudiin 2m/mood gudahooda ,waraaq amar ah oo aan kaga bixinayo ardadana waxaa farta iga saarey Bikole.

Maclin Axmadey isagoo hadalkiisa wato wuxuu kaloo sheegey in sanad dugsiyeedkani ardada iskuulka dhigato tiradoodu tahay 1051 (kun iyo
konton iyo kow ardey) oo isagu jira wilal iyo gabdho ,iskuulkani oo magaciisa hore la oranjirey xiligii Dowladii Siyaad Barre ISHA SCHOOL
ama Kuleejada .

Hadaba waxaad tihiin waladiintii caruurtooda Salaxudiin wax ku baranaysey waxaa ka wanagsan meel caruur wax ku barato anigu ma aqaani
arintanina idinka iyo odeyaasha iyo maamulka jira ayay idin dhextaala.

Waxaa hadalkii la wareegey mid ka mid ah walidiinta Ardada Salaxudiin lana yiraahdo Xaaji Awees Dabayarey waxaa uu sheegey in odeyasha
dhaqanka oo meel iskuulka ka fogeyn degan in loo yeero markaasi ayaa kulanka furaneynaa buu yiri waana la isku raacey odeyasha qaar ka mid ahna waaba imaaden 10 daqiiqo gudahooda.

Hadaba markey imadeen Xaji awees ayaa odeyasha waxaa uu ku yiri iskuulkani Taliyaani ayaa dhisey malintii la dhisey ilaa maanta wuu
shaqeynayay wuxuu ahaa warshad soo saarta caruur base kooda dhisan waxa ka wanagsan ee aad caruurta uguriseen maxay tahay buu suaal guud u weydiiyey odeyaasha.

Waxaa ka jawabey malaaq Xasan Shure wuxuuna yiri ADC ilaa Unief waxaan u ka rabnaa meel shirka iyo hawlihiisa lagu qabto .
Sidoo kale Malaaq Deerow ayaa isna sheegey in arintu danguud tahay in laga baxana waajib ay tahay.

Kadib warkii Malaq Derow oo ka dhashey guux iyo qaylo ayaaba la isagu nederey haddaad iskuulkan is hortaagtaan nabada yar baydhabo inaad didantihiin ayaan inoo cad qofkastoo caruur iskuulka u dhigatana waxaanu soo qadaneynaa hubkeena sidaa ayaa inoo balan ah ayay arintu gaartey.

Haye yeesha waxaa muranka markii uu kululaadey yimid Gudomiye Shiino Maclin wuxuuna yiri anaga iyo Odeyasha dhaqanka ayaa isku labanayna haddaad tihiin walidiinta Ardada Salaxudiin caruurtiina sidooda ayay iskuulkooda u dhiganayaan raalina ahaada.

Warkaasi oo Mudene Shiine M.Nuurow oo ah G/kuxigeenka G/Baay ayaa xal u noqdey dhinaca waladiinta walow ay odeyaasha qaylinayeen ,wuxuuna amar ku bixiyey Shiine iney waalidiinta Ardada ay fasaxan yihiin.

Intaasi ka dib waxaa kaloo yimid G/G/baay mudane Cabdi Adan Hoosow oo isna la fikir ah Shiine waxayna odeyaasha u soo jediyeen in afarta
Hole ee ADC oo dayactir yar u baahan ayaanu ka dhiganayna xafiisyo iyo meel ay sexan karaan inka badan 1500 oo qof.

Isku soo wada duub dhibaatooyinka waaqiciga ah ee kadhaca guud ahaan Somalia gaar ahaan Baydhabo waxaa u sabab ah QOFKASTA MASUULIYADA SARAN HALKEY LE’EGTAHAY IYO WAXAY SHAQADIISU TAHAY UMA KALA BAXSANA.