CABSI XOOGAN OO JOWHAR KA TAAGAN IYO XAAFADAHA QAAR OO LAGA BARAKACAY Sep 12, 2013

 

Cabsi xoogan ayaa ka taagan Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Shabeelaha dhexe,taasi oo ku aadan fatahaad uu wabiga Shabeelaha dhexe ka sameeyo Gobalka oo saameyn ku yeesha Magaalada Jowhar.


Xaafadaha dhanka galbeedka xiga ee Magaalada Jowhar ayaa dadka si weyn kaga cabsanayaan in wabiga uu kasoo fataho,maadaama maalmahan dhan dadka ay halkaasi cabsi ka muujinayeen.

Meelaha laga cabsi qabo in fatahaada wabiga uu saameeyo ayaa reerihii daganaa ay isaga barakaceen,kuwaasi oo caruurtooda gacmaha ku qaatay alaabtoodana dusha saartay.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha dhexe Cabdi Jiinoow Calasoow ayaa shacabka Jowhar ku amray in siwadajir ah loo wajaho kahortaga fatahaada wabiga Shabeele.

Saaka ayaa lagu arkayaa Magaalada Jowhar qaar kamid ah dadka deegaanka oo sameynaya moosid ku aadan meelaha laga cabsi qabo inuu wabiga kasoo fataho.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeelaha dhexe ayaa amray inaan la furi karin goobaha ganacsiga iyo iskuulada intaba ,dadkana ay isugu soo baxaan sidii wabiga loo moosi lahaa.