Ciidamada Amanaka Baydhabo oo Caawa Qabtay Fowsiyo & Koox Kasoo Laabtey Kala Furfuritaanka Malaaqyada September 19, 2013

 

Fowsiyo Maxamed Sheekh Xasan oo ah Xildhiaanad kamid ah xildhibaanada DM wakiilna u ah Gudoomiye jawaarey dhanka lacag bixinta kala fur furitaanka Malaaqyada & Maamulka ayaa caawa waxay gacanta ugashey ciidanka Amaanka uqaabilsan Baydhabo.

 

Xiligii Fowsio & Xildhibaanda lasocda la qabanayey ayaa waxay kasoo baxeen oo sida ilo xog ogaal ah inoo xaqiijiyeen Halkii ay degenaayeen Malaaqyada DM si ay uga soo dhaadhiciso in ay aqbalaan Dhisida Maamul Degmo & Gobol dowlad Goboleedna laga tashan doono sida ay wadaan oo qorshahoodu yahay taasoo ah marla labadaasi la dhiso oo loo dhiibo kuwo nacamleeyayaal ah kadib la yiraahdo UUUS AFKIINA FARTA SAARTA.

 
Ciidanka Nabadgeliyada uqaabilsan mid kamid ah oo diidey in magaciisa la shaaciyo ayaa WARBAAHINTA ARLAADII Usheegey in caawa Fowsiyo Maxamed Sheekh, Xildhibaan Macalin Cali, Xildhiaan Khaalid & Xildhibaan kale oo aan weli magaciisa  helein iney ugaleen caawa Malaaqyadii ayagoo la murmaya uu halkaasi gaarey Mas-uul ka tirsan Mamaulka Gobolka kadibna markii ay kasoo carareen Mas-uulkasi ay dhacdey in ciidankiiw aardiyaha ahaa ay qabtaan 4 xildhibaan oo ay hogamineyso FOWSIYO.
 
Mas-uulkii ay kasoo ordeen xildhibaanadaan oo ay diidanaayeen in warkooda la helo ayaa wuxuu askartii ku amrey iney iska sii daayaan xildhibaanda fashilmey caawa oo rabey in malaaqyada ay ka dhaadhiciyaan in la dhiso maamul degmo, iyo gobol ayadoo ninkii arimhaasi maamulka degmada iyo gobolka uga xilsaarnaa dhisidooda " Abdurahmaan Mad Gaab " uu kusugan yahay Baydhabo si howshaasi qiyaanada ah uu u fuliyo.
 

si kastoo ahaato Go-aanka Malaaqyada DM ayaa ah mid lagama laabtaan ah kana go-an malaaqyada iney dhisaan Maamulkii 6/da Gobol ahaa ayadoo afkaa Malablow Mohamed Sheekh Cusmaan Jawaareyna Afka malab umarinoya Malaaqyada ^ Shacabka Ergadiisa kala fur furitaanka u xilsaaarana ay howsha wadaan,