Madaxweynaha Somaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa ka hadlay Dhibatooyinka Kufsiga Gaar ahaan Haweenka lagu Kufsado Magaalada Muqdisho isagoo shegay in Dowladu ay u samaysay xarumo lagu Xanaaneyo Haweenka la Kufsado.
Ugu horeyn gabadha Somaliyeed ee Wareysiga la yeelatay Madaxweynaha Somaliya oo lagu magacaabo Ifraax Axmed kana shaqeysa Urur ka dhisan dalka Ireland ayaa waxay wax ka weydiisay hormarka haweenka Qurba joogta kusoo kordhiyeen dalka iyo kuwo gudahawaddanka lagu dhibaateeyo.
Madaxweyne Xasan oo ka jawaabayey su’aashaasi ayaa aad u amaanay tallaabada wanaagsan ee dib udhiska dalka kaga qeyb galayaan qurba joogta dalka kusoo laabtay.